U bood dhigaalka

Dalka Shiinaha oo Aas Qaran Looga Sameeyey Sargaal Looga Diley Weerarkii Jazeera Hotel

Sheeko:Caalamka

Dalka Shiinaha waxaa aas qaran loo sameeyey sargaalkii xagga ammaanka ee ka mid ahaa dadkii ku geeriyoodey weerarkii isqarxin ee lagu qaaday Hoteel Jazeera 26-dii Bishii Luuliyo, 2015.

Meydka ninkaasi oo lagu waday naxash ayaa la geeyey magaalada Jinan ee xarunta gobolka Shandong ee dalkaasi, iyada oo halkaasi ciidamo badan salaam sharaf iyo dab rid u sameeyeen.

Sargaalkani oo lagu magacaabo Zhang Nan ayaa ka shaqeynayay safaaradda Shiinaha oo ku dhex tiiley dhismaha Hoteel Jazeera Palace, waxaana halkaasi ku yaala safaaradaha Kenya, Qatar, iyo Masar.

Waxa uu ka mid ahaa illaa 15 qof oo weerarkaasi ku geeriyoodey, ku dhawaad 30 kalana waa ay ku dhaawacmeen.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtey in sargaalka dhintey aysan waxbo u dhibi doonin xiriirka wanaagsan ee labada dal.

Dalka Shiinaha ayaa si weyn looga dareemey dhimashada sargaalkani. Waxa uu ciidamada dalkaasi ka tirsanaa muddo 11 sanadood ah.

Goobjoog News

1 Sargaal Shiinees