U bood dhigaalka

Dalladaha SOSCENSA Iyo PUNSAA Oo Ku Baaqay In La Dhameystiro Dastuurka

Sheeko:Dalka

1 . Dalladaha SOSCENSA iyo PUNSAA waxa ay uga mahadcelinayaan guddiga korjoogteynta dib-u-eegista  qabyo-qoraalka Dastuurka ee labada aqal, wasaaradda arrimaha Dastuurka ee dowladda Fedaraalka iyo guddiga madaxabannaan ee dib-u-eegista Dastuurka iyo hirgelinta Dastuurka soo dhoweyntii iyo is-xog-waraysigii ku saabsanaa arrimaha u qabsoomay iyo sidoo  kale  caqabadaha haysta dhaqaajinta hanaanka dib-u-eegista Dastuurka Soomaaliya oo ay la wadaageen xubnaha labada Dalladood.

2 . labada Dalladood waxa ay ugu baaqeen, kuna adkeynayaan in Hay’adaha ku shaqada leh dib-u-eegista Dastuurka in ay yareeyaan Khilaafkooda, kaas oo niyadjab ku noqon kara bulshaweynta Soomaaliyeed, laguna xalliyo wadahadal kala-fikir-duwanaanshaha jira oo aan la isku marin warbaahinta.

3 . Labada Dalladood waxa ay ku baaqayaan in la hirgeliyo heshiiskii wadashaqeynta ahaa oo ay wada saxiixeen, dhammaan Hay’adaha shaqo-wadaagga ku ah Geedi socodka dib-u-eegista Dastuurka 13 November 2017 oo uu goobjoog ka haa Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda mudane Xasan Cali Kheyre.

4 . Dalladuhu waxa ay taageerayaan go’aankii madaxda Qaranka ee ku taariikheysanaa 5 November 2017 ee ay ku gaareen in dib-u-eegista Dastuurka lagu dhameystiro sanadka 2018-ka iyo dhammaan qorshayaasha Guddiyada ee wasaaradda ee waafaqsan go’aankaas, taas oo guul u noqon doonta Shacabka Soomaaliyeed, dowladda Fedaraalka Soomaaliyeed, iyo dowladaha xubnaha ka ah oo ay yeelan doonaan Dastuur horseeda deganaanshiyo siyaasadeed kuna salaysan mabaadi’da cadaaladda.

5 . Dalladaha SOSCENSA iyo PUNSAA waxa ay taageerayaa dhaqaalaha ay dowladda Fedaraalka u qoondeesay dib-u-eegista Dastuurka, sidaas oo kale waxa ay soo jeedinayaan in loo siyaadiyo dhaqaalahaas si guddiyada iyo wasaaradduba u helaan madaxbannaani dhaqaale oo dhameystiran, shaqada dib-u-eegistana aysan u dhaafin 2018-ka.

6 . Bulshada rayidka ah waxa ay ballanqaadayaan in ay kala shaqaynayaan guddiyada wasaaradda arrimaha Dastuurka heer fedaraal iyo wasaaradaha arrimaha Dastuurka ee heer dowlad goboleed sidii loo gaari lahaa , afkaartoodana loo heli lahaa bulshaweynta Soomaaliyeed si loo xaqiijiyo lahaanshaha Dastuurka .

Goobjoog News