U bood dhigaalka

Dalladaha Waxbarashada oo Eedeeyey Wasaaradda Waxbarashada

Sheeko:Dalka

Shir ay maanta isugu yimaadeen daladaha waxbarashada oo 12 dhan ayay kasoo saareen warsaxaafadeed ay faahfaahin kaga bixiyeen imtixaanaadkii dugsiyada hoose dhexe iyo sare ee qabsoomey, iyo waliba aragtidooda ku wajahan go’aanka dowladda ee ah in ay qaaddo imtixaam.

Ugu horeyn warsaxaafadeedka ayaa lagu faahfaahiyey tirakoobka iskuulaadka, ardayda, iyo macalimiintaba

  1. Dugsiyada dalladaha hoos yimaada tiradoodu waa 817 oo isugu jira dugsiyo hoose/ dhexe iyo kuwa sare
  2. Ardeyda wax ka barata dugsiyadani waxa ay dhanyihiin 287,000 (Labo boqol sideetan iyo todobo kun oo arday)
  3. Waxaa imtixaamka u fariisatay 17,254 (todobo iyo tobon kun , labo boqol iyo konton iyo afar arday) oo dugsiyada sare Ardeyda sida bilaashka ama lacag la’aanta ah wax oga baratay waa ah 27,400 (labaatan iyo todobo kun, iyo afar boqol oo arday.
  4. Macalimiinta ka hawlgasha dugsiyada hoos yimaada dalladaha waxbarashada waa 8175 (sideed kun, boqol todobaatan iyo shan) macalin, halka dadka kale ee ka shaqeeya ay dhanyihiin 8,170 (sideed kun boqol iyo todobaatan) qof.

Sida uu saxaafadda u akhriyey Cali Axmed Fiidoow oo u hadlay dalladaha, waxa ay dalladaha dowladda federaalka ku eedeynayaan in ay dhibaato ku heyso waxbarashada gaarka loo leeyahay.

Waxa ay tusaale usoo qaateen in aanan wali la dajin sharcigii lagu hagi lahaa waxbarashada gaarka ah sida ku cad dastuurka KMG ah qodobkiisa 30-aad, farqadiisa 4aad, kaasi oo sidoo kale sheegaya in wasaaradda ay hirgaliso manhaj mideysan, hawshaasi oo aysan wali wasaaraddu qaban.

Waxa kale oo wasaaradda lagu eedeeyey in ay burburineyso dalladihii waxbarashada gacanta ku hayay mudadii dowlad la’aanta , iyada oo sidoo kale dacaayad ka fidineysa dalladaha, sida hadalka loo dhigey.

“Waxay nagu tilmaameen hoggaamiye kooxeedyo, aanan muddanahay in nala baabi’iyo” ayuu yiri Cali Axmed Fiidoow.

Hadalkani dalladaha ayaa imanaya xili dowladda federaalka ay sheegtey in ay qabanayso imtixaam ay wasaaraddu qaadeyso, taasi oo ay diideen dalladaha.

Goobjoog News