U bood dhigaalka

Dalladda PUNSAA Oo Ka Hadashay Khilaafka Golaha Shacabka

Sheeko:Dalka, War

Dalladda PUNSAA ayaa ka hadashay xaaladda Mooshinka ka dhanka ah guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyaga oo dood ka yeeshay arrintan.

Dalladdan ayaa waxaa ay war-murtiyeed ka soo saartay xaaladda cakiran ee uu dalka marayo iyo qalalaasaha siyaasadeed ee taagan.

Guddoomiyaha dalladda PUNSAA Feysal Axmed Warsame ayaa Goobjoog News uga warramay waxaa uu ku saabsanyahy war-saxaafadeedka ay soo saareen waxaa uuna yiri .

“Farriinteenna waa farriinta bulshada rayidka ah, taas oo ah in aan walaac ka qabno arrimaha mooshinka socda, farriinteenna waxaa ay xambaarsantahay in la joojiyo khilaafka, in baarlamaanka ay heshiiyaan oo ay howlohoodii caadiga ahaa wataan, in aan loo isticmaalin waxa hadda socda hantida umadda”.

Dalladaha bulshada rayidka ah ayaa ugu dambeyn waxaa ay ku baaqayaan in baarlamaanka uu qabsado howlihii u yaallo iyo in ay soo laabato isla xisaabtankii dowladnimo, waxaa ayna dhanka kale ka digeen in hantida qaranka loo adeegsado loolanka siyaasadeed ee socda.

Goobjoog News