U bood dhigaalka

Dalladda SONYO oo Farriin Ku aaddan Heshiiska DP world u Dirtay Xukuumadda Somaliland

Sheeko:Dalka

Dalladda dhallinyarada Somaliland ee SONYO oo ah dallad ay ku midaysanyihiin 54 ururro dhallinyaro oo ka  jira Somaliland ayaa xukuumadda waxay ka codsadeen in maalgelinta dekedda Berbera doorka ugu weyn laga siiyo shaqo abuurka dhallinyarada .

War-murtiyeed  ka soo baxay xarunta dalladda ee magaalada Hargeysa  waxa lagu sheegay  in dhallinyarada Somaliland ay haysato shaqo la’aan baahsan taasi oo marar badan sababta inay koox-koox u tahriibaan .

“ waxaanu taageersanahay maalgelinta dekedda Berbera iyo midkasta oo dalka dhaqaale abuur u noqon karta balse waxa ugu weyn ee aan codsanayno ayaa ah in dhallinyarada markasta kaalinta koobaad laga dhigo sababta oo ah waa awooddii dalka waxaana haysata shaqo la’aan baahsan oo qofkasta ogyahay“, waxa sidaasi lagu sheegay war-murtiyeed dalladdu ay soo saartay, oo uu ku saxiixnaa Guddoomiyaha SONYO  Siyaad Cumar Cali.

Dhinaca kale SONYO ayaa sheegtay inay muhiim tahay in dhallinyarad kaalintooda laga siiyo arrimaha dhaqaale ee Somaliland u soo kordhaaya , si ay dhallinyaradu ugu dabaqdo aqoonta ay barteen .

Dalladdan SONYO ayaa hore kaalin uga qaatay mashruuc dhallinyaro 100  ka badan  shaqo abuur u noqday kaasi oo tartan loogu galaayey abuurista xirfado ganacsi oo noocoodu ku cusub yahay Somaliland waxaana miro dhal ka gaaray badi dhallinyaradaasi ku guulaysatay mashruuca.

Goobjoog News