U bood dhigaalka

Dalxiisayaal U Dhashay Shiinaha Oo Ku Geeriyooday Shil Ka Dhacay Masar

Sheeko:Dalka

Ugu yaraan 3 qof ayaa ku dhimatay, halka ay ku dhaawacmeen 8 kale ka dib markii gaari ay saarnaayeen dadkan uu kula gudoomay magaalada Iskandariyah ee waqooyiga Masar.

Saddexda qof ee geeriyootay ayaa la sheegay in ay ahaayeen dalxiisayaal Shiinaha u dhashay kuwaasi oo doonayey in ay gaaraan Iskandariyah.

Dadka dhaawaca ah ayaa la sheegay in labo ka mid ah ay xaaladdooda ay halis tahay, waxaana loo qaaday Isbitaalka magaalada.

Goobjoog News