U bood dhigaalka

Dani Oo Magacaabay Taliyaha Nabad-sugidda Puntland

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Saciid C/laahi Dani ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu ku magacaabay agaasimaha guud ee hay’adda nabadsugidda iyo sirdoonka maamulkaasi.

Wareegtada ayaa u qorneyd sidan:

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 93 September, 23, 2019 ku magacaabay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Puntland.

Madaxweynaha Maamulka Puntland

Markuu arkay: Datuurka Puntland

Markuu arkay: Aqoontiisa iyo khibraddiisa shaqo

Wuxuu xeeriyey:

1.Waxaa Mukhtaar Maxamed Xasan loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Puntland.

Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.

Mawduucyada:Gobollada