U bood dhigaalka

Dani Oo Sheegay In DFS Ay Waddo Iska Horkeenista Shacabka Iyo Maamulka Puntland

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Saciid C/laahi Dani ayaa sheegay in dowladda dhexe ay marar badan isku dayday iney qalqal siyaasadeed ka dhex abuurto deegaannada Puntland.

Dani ayaa isaga oo ku sugan Boosaaso wuxuu sheegay in marar badan ay dowladda fariimo usoo dirtay waxgaradka ku dhaqan magaaladaasi si ay uga horyimaadaan maamulkiisa.

Wuxuu kale oo uu sheegay in illaa iyo haatan ay dowladda waddo sidii ay isaga horkeeni lahayd maamulkiisa iyo odoyaasha dhaqanka ah.

Dowladda ayuu ku eedeeyey iney ku fashilantay wax ka qabashada ammaanka, horumarinta dalka, taas bedalkeedana ay bilowday iney iska horkeento hoggaanka maamullada dhisan iyo shacabkooda.

Ugu dambeyn, madaxweyne Dani ayaa ugu baaqay waxgaradka ku sugan Boosaaso ineysan ku kadsoomin dhagarta uu sheegay iney waddo dowladda federaalka ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo.

Goobjoog News