U bood dhigaalka

Dani Oo Xog Dheeraad Ah Ka Bixiyey Sababta Puntland Uga Qeybgali Weysay Shirka Ka Socd Muqdisho

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Saciid C/laahi Dani ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey sababta maamulkiisa aanu uga qeybgalin shirka iskaashiga caalamiga ah ee ka socda magaalada Muqdisho.

Ugu horreyn wuxuu sheegay in Puntland diyaar u tahay iney miiska wadahadalka la fariisato dowladda federaalka, walibana iyadoo baahin toos ah laga sameynayo warbaahinta ay la xaajoodaan si loo ogaado cidda gardaran.

Wuxuu tilmaamay Dani in sababta ugu weyn ee shirka uga hareyn ay tahay in aan laga talogelin ajendaha shirka, sidoo kalene ay baraha bulshada ku arkeen war-murtiyeedka shirkan laga soo saari doono.

“Dowladda Puntland waxay diyaar u tahay sida doorashooyinka hadda looga daawado Tv-yada, waxaan rabnaa wadahadal furan oo doodeenna si cad u sheegi karno, dadka si ay u ogaadaan cidda qaldan iyo cidda saxan, dowladda Puntland shirkaasi kama aanay qeybgalin, waxaan rabaa dadweynaha reer Puntland inaan u faah faahinno sababaha aan shirkaasi uga qeybgali weynay, waxaan aad uga xunnahay in shirka noocaas ee intaa la eg aan Puntland laga talogelin, in puntland ay baraha bulshada ka aragtay ajendaha shirka, in Puntland ay ka aragtay war-murtiyeedka shirka kasoo bixi lahaa oo sii diyaarsan, waxaan ka xunnahay markii aan hubsannay in arrimahaasi sidaasi u jiraan oo aan talo ku lahayn oo Puntland baahiyaheeda la weydiineyn wax ay Puntland qaadan karto ma ahan” ayuu yiri Dani.

Jubbaland iyo Puntland ayaan ka qeybgaleen shirka iskaashiga caalamiga ah ee ka socda magaalada Muqdisho, iyadoo lagu wado shirkan maanta in lasoo gabagabeeyo.

Goobjoog News