U bood dhigaalka

Danjiraha Dalka Britain Ee Soomaaliya Iyo Wafdi Uu Hogaaminayay Oo Maanta Gaaray Magaalada Baydhaba

Sheeko:Dalka
Baydhabo
Baydhabo

Magaalada Baydhaba ee xarunta gobalka Bay, waxaa maanta gaaray wafdi balaaran oo uu hogaaminayo Danjiraha dalka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Neil Wigan halkaas oo lagu soo dhaweeyay.

Xubnahaan gaaray Baydhaba waxaa lagu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Magaaladaasi, waxaana sidoo kale aad loo sugay amaanka guud ee Baydhaba.

Soo dhaweyn ka dib ayaa Neil Wigan iyo xubnaha la socday waxa ay kulan saacado qaatay la yeesheen madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Kulanka ayaa ahaa mid looga hadlay arimo ku aadan sidii dedeg loogu dhameystiri lahaa maamulka Sedaxda gobal.

Markii uu soo dhamaaday kulanka ay wada qaateen Labadaan Mas’uul ayaa waxay si kooban ula hadleen saxaafadda iyaga oo faah faahin ka bixiyay wixii ay ka shireen iyo uljeedka socdaalka xubnahaan.

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ugu horeyn sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay booqashada xubnahaan ay ku yimaadeen magaalada Baydhaba, ayna ka wada hadleen dar dar gelinta dhameystirka maamulka Koonfur Galbeed.

Neil Wigan ayaa isna dhankiisa sheegay in ay taageerayaan maamulka Koonfur Galbeed, islamarkaana ay soo dhaweynayaan hanaankii ay doorashada uga dhacday magaalada Baydhaba.

Socdaalkaan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay oo magaalada Baydhaba uu ku gaaro Neil Wigan oo ah Danjiraha dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya u jooga, tan iyo markii xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed loo doortay Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Goobjoog News