U bood dhigaalka

Danjire Cabdirashid Cali Sharma’arke oo La kulmay jaaliyada Soomaaliyeed ee magaalada Minneapolis (Sawirro)

Sheeko:War

[huge_it_slider id=”41″]

Safiirka dowlada Soomaaliya ay dhawaan u magacawday dalka Maraykanka mudane CabdiRashid Cali Sharma’arke oo axadii gaaray magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota oo ah halka ay deganyihiin Qurbo Joogta Soomaaliyeed ee ugu badan adduunka ayaa kulan ah wadatashi iyo warbixin isa siin la qaatay madaxda jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolkaasi.

danjire Cumar CabdiRashid Cali Sharma’arke  waxaa uu kala hadlay madaxda jaaliyada Soomaaliyeed ee Qurbaha xilka loo magacaabay, xaalada wadanka iyo sidii ay Qurbo Joogta u wada shaqayn lahaayeen maadaama uu dhamaantood xil ka saaran yahay dib u dhiska dhaqan-dhaqaale iyo mid siyaasadeedba ee dalku uu u baahan yahay.

Safiirka ayaa sidoo kale kala hadlay madaxda jaaliyadda xaalada dalka uu marayo iyo dadaalka madaxda Soomaaliyeed ugu jiraan sidii loo soo celin lahaa sharafta iyo cisigii uu dalka iyo dadkiisaba lahaan jiray, oo ay ugu horeeso isku duubnaanta, midnimada iyo wadashaqeynta.

Cumar Cabdi Rashiid Cali Sharma’arke waxa uu xaqiijiyey in wafdi uu hogaaminayo madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya uu soo booqan doono jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota, isaga oo kala hadli doono xaalada dalka uu marayo maanta.

Dhinaca kale, madaxda Jaaliyadda Soomaaliyeed oo isugu jiray culimo, wax garad, ganacsato, arday iyo siyaasiyiin oo rag iyo haweenba leh ayaa iyaguna warbixin ka siiyey xaalada dhabta ee qurbo joogta degan gobolka Minnesota gaar ahaan magaalada Minneapolis.

Xubnaha Jaaliyadda Waxa kaloo ay u cadeeyeen danjiraha in ay si gacmo furan ku soo dhaweenayaan isku soo dhawaanshaha iyo wada shaqaynta jaaliyadda Soomaaliyeed iyo xafiiska safiirka.

Xubnaha Jaaliyadda Waxaa kale oo ay cadeeyeen in ay diyaar u yihiin in ay ka qeyb qaataan lana garab istaagaan madaxda dalka ee maanta iyo kuwa beriba dib u dhiska wadanka iyo sidii cisigii dalka iyo dadkiisaba uu lahaan jiray loo soo celin lahaa.