U bood dhigaalka

Danjire Harriet Mathews oo Ka Digtay Dib u Dhac Ku Yimaadda Doorashooyinka Somaliland  

Sheeko:Dalka

Danjiraha dowladda Ingiriirska u fadhiya Soomaaliya Harriet Mathews ayaa ka digtay dib u dhac ku yimaadda doorashooyinka Somaliland iydoo carrabka ku adkeeysay iney lagama maarmaan tahay in doorashada Somaliland ku dhacdo wakhtigii loogu talogalayay si hufnaan iyo cadaalad ah.

Safiirka oo magaalada Hargeysa kula hadashay saxaafadda maalinimadii shalay ayaa ka hadashay in qiimeynta hordhaca ah ee la sameeyay ay sheegayso in doorashada farsamo ahaan ay suurtogal tahay, sidaa darteed dib u dhac kasta oo ku yimaadda doorashada ay waxyeelaynayso sumacadda Somaliland,  oo ah sidey tiri,  meel looga daydo  dimuqraadiyadda Geeska Afrika.

Waxay safiirku ka hadashay sababta ay Hargeysa u gaartay inuu ahaa mid khuseeya kormeer ay ku sameynayso mashaariicda Dowladda Ingiriisku ay maamusho ee khuseeya arrimaha sarreynta qaanuunka iyo Amniga;

“Inta aan safarkan ku gudo jiro waxaan xoogga saarayaa si gaar ah garsoorka iyo arrimaha ammaanka taas oo ay xukuumadeydu  si weyn uga qeyb qaadato” ayay tiri safiir Harriet Mathews.

Waxa kale oo ay safiirku ka hadashay inaanu jirin wax saameyn ah oo uu ku yeeshay BREXIT mashaariicda dowladda Ingiriiska ay fulineyso ee maalgelintiisa ay leedahay midowga Yurub.

Doorashada madaxtooyo iyo tan baarlamaan ee maamulka Somaliland ayaa la filayaa iney dhacdo March 2017, iyadoo uu jiro walaac farabadan oo ka imanaya dhanka Axsaabta Mucaaradka Somaliland oo ku aaddan dib u dhac doorashada ku yimaadda.

Goobjoog News