U bood dhigaalka

Danjire Keating Iyo Madaxda Maamullada Oo Ku Kulmay Kismaayo (SAWIRRO)

Sheeko:Dalka

Ergayga gaarka ah ee u qaabilsan Soomaaliya Qaramada Madoobe Micheal Keating ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo.

Keatint ayaa shir albaabada ay u xirnaayeen la qaatay madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Soomaaliya kuwaasoo dhammaantood ku sugan magaaladaasi.

Madaxda maamullada ayaa si wadajir ah maanta kulan ula qaatey Ergeyga Qaramada Midoobay ee dalka Micheal Keating oo barqadii maanta gaarey Kismaayo, isagoo ay weheliyaan xubno ka tirsan Xafiiska UNSOM ee Soomaaliya.

Shirka oo ahaa mid albaabada u xiran ayaanan la ogeyn waxa uu Keating kala hadlay madaxweyniyaasha maamullada, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle, Galmudug iyo Puntland.

Wararka shirkani ku xeeran oo ay Goobjoog News helayso ayaa sheegaya in Keating uu madaxda ka dalbaday ilaalinta midnimada dalka, oo khilaafyada siyaasadeed ee ka dhex jira iyaga iyo dowladda dhexe xallintooda loo maro hab wada hadal ku dhisan si murannada taagan looga gudbo.

Berri ayaa qorshuhu yahay in Kismaayo uu ka furmo shirka dowlad goboleedyada oo bishii la soo dhaafay uu iclaamiyay madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cabdi Gaas.

Goobjoog News