U bood dhigaalka

Danjire Micheal Keating Oo Gaaray Jowhar

Sheeko:Dalka

Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Madoobe u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa goor dhow diyaarad uu la socday ay ka dejisay magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle.

Danjire Micheal Keating oo shalay ku sugnaa xarunta doorashada ee magaalada Baydhabo ayaa maanta gaaray Jowhar waxaana warar la helayo ay sheegayaan in arrimaha doorashada aqalka hoose wax ku saabsan uu halkaas u gaaray.

Wararka ka imaanaya Jowhar ayaa ku warramaya in Danjiraha uu la kulmi doono Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble.

Safarkani ayaa qeyb ka ah safarro uu ku bixinayo magaalooyinka dowlad goboleedyada oo ay ka socdaan doorashada aqalka hoose ee baarlamaanka Soomaaliya, inkastoo shalay iyo maanta aynaan doorasho ka socon magaalada Jowhar oo ay hakad u gashay rabasho dhacay awgood.

Wixii soo kordha dib kala soco

Goobjoog News