U bood dhigaalka

Danjire Micheal Keating, Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Iyo Xubno Kale Oo Gaaray Garoowe (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal waxaa gaaray xubno ay ka mid yihiin Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Danjire Micheal Keating, wasiirka arrimaha dibadda dowladda Itoobiya Tedros Adhanom, Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya Micheal Cervone D’urso, Safiirka Talyaaniga, Safiirka Turkiga, Safiirka Imaaraatka, Ergeyga IGAD ee Soomaaliya iyo xubno kale.

Dhammaan xubnahan waxaa madaxtooyada magaalada Garoowe ku soo dhaweeyay Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Waxaa jira kulamo albaabada u xiran oo ka soconaya madaxtooyada  Garoowe kaasi oo u dhaxeeya Ra’iisul wasaare Cumar, Madaxweyne Gaas iyo xubno ka mid ah beesha caalamka.

Xubnahan ayaa magaalada Garoowe waxay u tageen sidii ay goobjoog uga ahaan lahaayeen heshiis la filayo in halkaasi ay ku kala saxiixdaan dowladda Federaalka iyo maamulka Puntland, kaasi oo ku aadan nidaamka 4.5.

Puntland ayaa aqbashay qaadashada nidaam qabiileedka 4.5, halka iyana laga aqbalay shuruudo ay soo gudbisay.

Maanta ayaa la filayaa in dowladda Federaalka iyo maamulka Puntland ay magaalada Garoowe ku kala saxiixdaan heshiis ku aadan hanaanka doorasho ee dalka, iyadoo xubno badan oo beesha caalamka ahna ay goobjoog ka noqon doonaan.

006 005 004 003 002 001

Warkaan wixii kusoo kortdha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News