U bood dhigaalka

Danyar raashin afur ah loogu qeybiyay degmada Hodan

Sheeko:War

IMG_7219

Dad  tabaalaysan oo ku dhaqan degmada Hodan ayaa manta ka faa’iidaystay raashin afurin ah oo ay bixinayso bisha Cas ee dowladda Imaaradka Carabta oo loogu tala galay dadka aadka dhaqaalahoodu u hooseeyo xilli lagu guda jiro bisha barakaysan ee Ramadaan.

Nuur Axmed Diiriye guddoomiyaha laanta afraad ee degmada Hodan oo galabta qayb ka ahaa bixinta raashinkan bisil ee loogu tala galay inay ku afuraan dadkan danta yar ee ku dhaqan degmadaasi, oo la hadlay warbaahinta ayaa ugu horeyn si weyn uga mahad celiyay kaalmadaan afurka ah ee maalintii lixaad ay ka wado bisha Cas ee dowladda Imaaradka Carabta.

Maryan Cali Daahir oo ka mid ah dadkan la quudinayo ayaa si aad iyo aad ah ugu mahad celisay Bisha Cas ee Dowladda Imaaradka Carabta oo kaalmo maalmahan dambe ka wada xeradan agoonta ee degmada Hodan laanta afaraad, waxayna sidoo kale tilmaamtay inay jiraan baahi intaas ka badan oo haysta dadka tabaalaysan ee ku dhaqan degmadaasi,xilli lagu jiro bishii barakaysan ee Ramadaan iyadoona ay jiraan roobab lixaad leh oo maalin shanaad ka da’aya caasimada Muqdisho.

Siday u bilaabatay bishan barakaysan ee Ramadaan ayaa waxaa qaybo ka mid ah gobolkan Banaadir waxaa ka socotay gaarsiinta kaalmooyin iyo gargaar ka imaanaya dowladaha Qatar, Cumaa,Kuwait iyo Bisha Cas ee Dowladda Imaaradka Carabta oo ballan qaaday inay bixin doonto inta lagu guda jiro bishan Barakaysan kaalmooyin iskugu jira cuntooyin ,dhar iyo gargaar kale oo ay ugu tala gashay dadka danta yar ee ku dhaqan gobolka Banaadir.

wararka Goobjoog news