U bood dhigaalka

Daraasad: Caruurta Ayeeyo Koriska Iyo Kool-koolinta Laga Badiyo Oo Caafimaadkkooda Loo Baqo

Sheeko:Caafimaadka

Cilmi baarayaal ayaa sheegay kool-koolinta  faraha badan ay ku sameeyaan waalidiinta ilamaha ay awoowaha ama ayeeyada ay u yihiin inay ku yeelato saameyn caafimaad ee togan.

Cilmi-baaristaan lagu sameeyay jaamacadda Glasgow laguna faafiyey majalada OnePlus  ayaa waxaa lagu sheegay in ayeeyayaasha ay u leexdaan inta badan koolkoolinta ilmaha ay waalidka u yihiin inay siiyaan cunto farobadan .

Daraasadda ayaa waxay hoosta ka xariiqday in awoowayaasha ama ayeeyayaasha ay ilmaha hortooda ay ku cabaan sigaarka mana siiyaan fursad ku fulan oo ay ku aala miiteeyaan caruurta.

Cilm- baariyaasha sameeyay daraasaddaan ayaa waxay baareen 56 daraasad, kuwaas oo ay ku jiraan bayaanaadka 18 dowladood oo ay ka mid yhiin UK,Mareykanka Shiinaha iyo Japan.

Daraasaddaan ayaa waxay xoogga saareysaa saameynta ay ku yeelato caruurta koolkoolinta faraha badan oo ay u sameeyaan ayeeyayaashooda inta ay yaryaryihiin.

Goobjoog News