U bood dhigaalka

Daraasad Cusub: Dharka Cusub Oo Aan La Mayrin Waxaa Laga Qaadaa Cudurro Dhanka Maqaarka Ah

Sheeko:Caafimaadka

Way adag tahay inaad iska caabbiso xirashada dhar cusub oo aad imika uun soo iibsatay, laakiin dhakhaatiirta cudurrada maqaarku waxay inoo sheegayaan khatarta ay caadadaasi leedahay oo ay mudan tahay inaan ka taxaddarno.

Donald Belsito oo ah dhakhtar cudurrada maqaarka ku takhasusay oo ka tirsan xarunta caafimaadka jaamacadda Columbia University, ayaa yiri, marka la xirto dhar cusub ee aan la iska mayrin, waxa uu keeni karaa xasaasiyad dhanka jirka ah ama cudurro ay ka mid yihiin Scabies iyo lice.

Belsito waxa uu caddeeyay in dharka aan kasoo iibsaneyno tukaamada uu jeermis badani ka buuxo, waxaa horey iskugu soo tijaabiyay dad tiro badan oo doonayay inay iibsadaan, waxaana dhici karta inay dadkaasi cudurro dhanka maqaarka ah ay horey u qabeen.

Dhakhtaradda cuduradda maqaarka ee la yiraahdo Dr. Lindsay Borden oo iyaduna ka tirsan xarunta caafimadka Jaamacadda Colombia ayaa dhankeeda sheegtay in dharka cusub oo la mayraa ay tahay arrin aad u muhiim ah.

Waxay intaa sii raacisay, inay dukaamadu adeegsadaan maadooyin kiimiko ah oo jirka aadanaha dhibaato u geysta, sida; kuwo jactadka dharka looga ilaaliyo iyo kuwo kale oo dharka shiirkooda lagula dagaalamo, kiimikooyinkaas oo dhibaato u geysan kara jirka aadanaha, marka iyadoo aan la mayrin la iska xirto dharka.

Halka rinjiga dharka uu xasaasiyad u keeno dadka qaar marka ay dharka xirtaan iyagoon iska mayrin, laakiin mashaakilaadka caafimaad oo dhan waxaa lagaga adkaan karaa si sahlan, waa marka aad iska mayrto dharka inta aan la xiran ka hor.

Dhaqanka Soomaalida waa lagula yaabayaa marka aad mayrto dhar cusub oo aad soo iibsatay, huudhaydhka uun baa la iska mayraa, laakiin; marka aad talooyinka akhrisato waxaa hubaal ah inaad fikirkaaga dib ugu laabaneyso oo aad wax ka beddelayso.

Goobjoog News