U bood dhigaalka

Daraasad Cusub: Kala Bar Muslimiinta Mareykanka Waxaa Ay La Kulmaan Takoor

Sheeko:Dalka

Daraasad cusub oo ka soo baxday dalka Mareykanka waxaa lagu sheegay in kala bar dadka Muslimiinta ah ee ku nool Mareykanka ay la kulmaan Takoor, waxaa kale oo lagu sheegay in Madaxweynaha Mareykanka Trump aanu muslimiinta jecleyn.

Daraasaddan waxaa la daabacay in 75% dadkii la wareystay ay sheegeen in la takooro halka 74% ka mid ah ay qabaan in Trump aanu jecleyn Muslimiinta.

Kala u bar dadka la wareystay waxaa ay sheegeen sidoo kale in ay adag tahay in adigoo Muslim ah aad ku noolaato dalka Mareykanka, dadka ugu badan ee takoorka la kulmo waa gabdhaha xijaabka wata.

Inta dadkan waxaa ay ku doodayaan in aan loo arkin iney yihiin Mareykanka  halka 60% ay qabaan in warbaahinta Mareykanka ay si xun ula dhaqanto.

Mareykanka waxaa ku nool 3.35 Mareykanka ah, dadkaas oo intooda badan ku dhashay Mareykanka waxaa ay asal ahaan ka yimaadeen illaa 70 dal oo caalamka ah.

Goobjoog News