U bood dhigaalka

Daraasad Cusub: Taagnida Faraha Badan ee Xilliga Shaqda Khatar Caafimaad Ayey Leedahay

Sheeko:Caafimaadka

Daraasad cusub oo dhanka xafiisyada laga sameeyay ayaa hoosta ka xariiqday in xafiisyada cusub ee ku tiirsan taagnaanta xilliga shaqada ay ka dhibaato badan yihiin xafiisyada caadiga ah, waxaana suurtogal ah, ayaa la yiri daraasadda,  iney hoos u dhigto awoodaha maskaxda ee dhanka shaqaalaha.

Xafiisyada taagnida lagu shaqeeyo ayaa ku soo badanaya adduunka, maadaama walwal laga muujinayo nolsha xafiisyada caadiga ah ee mudada dheer la fadhiyo oo dhabar xanuun badan lagu arkay.

Daarasaddan cusub waxay sheegaysaa in xafiisyadan cusub ee taagnida lagu shaqeynayo ay keeni karaan dhibaatooyin dhanka xididada dhiigga ah, luga xanuun, dhabar xanuun iyo wadnaha oo dhibaato culusi ay soo gaarto!.

Khubaradan ayaa sheegaya iney hoos u dhacayso awoodaha dhanka maskaxda taas oo dhibaato ku noqoneysa “Go’aannada Hal-abuurka”, sidaa darteed waxay ka digayaan in xafiisyada taagnida lagu shaqeeyo, gaar ahaan marka aan la hayn macluumaad farabadan oo muujinaya faa’iidooyinka ay leeyihiin.

Khubadan ka tirsan jaamacadda Curtin ee dalka Australia oo daraasad sameeyay oo ay ka qeybgaleen illaa 20 qof oo mutadawiciin ah oo ka howlgala xafiisyada taagnida lagu shaqeeyo muddo 2 saacadood ah in ka badan maalintii, ayaa sheegay in la arkay xanuunno kala duwan oo si joogta ah ay ula kulmaan, gaar ahaan qeybta hoose ee jirka, shaqooyinka loo dhiibana howlgudashadeeda way ka gaabiyaan, marka ay shaqeeyaan Saacad iyo 15 daqiiqo oo qura.

Professor Alan Taylor oo ah khabiirka daaweynta dabiiciga ah ee jaamacadda Nottingham ayaa yiri: “Natiijada kama dambeysta ah ee daraasadda waxay tilmaameysaa in isbedelka cusub ee xafiisyada uu dhaliyo sababo gacansi ah oo aan cilmi ku salaysnayn, laakiin waxaa ugu muhiimsan ayaa ah in daraasaddan ay muujisay qaar ka mid ah dhibaatooyinka.”, waxa uu hadalkiisa sii raaciyay “Xafiisyadan cusubi xanuunnada dhanka dhabarka ah daawo kama dambeys ah uma aha.”

Professor-ka ayaa ku talinaya in shaqaalaha ay wakhtiyo nasasho ah qaataan xilliga shaqada bedelkii ay saacado badan fadhin lahaayeen.

Goobjoog News