U bood dhigaalka

Daraasad: Moble-ka iPhone Oo Astaan U Ah Ladnaanta Qofka

Daraasad ay sameysay jaamacadda Chicago ee dalka Maryekanka ayaa lagu ogaaday qof haysta mobile iPhone ay ku tusuneyso ladnaantiisa. Khubaradii daraasadda wadday waxey yiraaheed “Calaamad ganacsi oo kale oo ku tusuneysa ladnaanta qofka ma jirto oo la mid ah haysashada qofka mobile iPhone ah.”

Dalka Spain ayaa ah dalka ugu badan ee dadkiisu ay haystaan mobile-llada Smartphone-ka ah, waxaana la mid ah Singapore,  92% dadka Spanish waxey haystaan mobile Smarts ah, iyadoo dadkaa qofka ugu mushaarka yar uu ku shaqeeyo 850 euro, ayaa hadana dadka intooda badani ay haystaan iPhone oo ka mid ah mobile-lad ugu qaalisan adduunka.

Sida uu sheegayo website-ka “Business Insider”, Daraasaddan ayaa si guud caddeysay 69% dadka haysta mobile-ka iPhone ay helaan dakhli wanaagsan, waxeyna tilmaantay in sanadkii 2016 iPhone iyo iPad ay ahaayeen astaanta ladnaanta.

Cilmi-baaristu waxey intaa ku dartay, adeegga “Android” oo ay isticmaalaan 64% dadka Maryeknaka, waxaa u badan dadka mushaarkoodo hooseeyo kharashka isticmaalkeeda oo yar darteed.

Goobjoog News