U bood dhigaalka

Daraasad: Nasashada Bukaanka Ayaa Ka Muhiimsan Daawooyinka Caafimaadka

Sheeko:Caafimaadka

Cilmibaarisyo cusub oo ay sameeyay dhakhaatiir British ah ayaa daaha ka rogay in bukaanku baahida ugu badan ay tahay nasashada ee aaney ahayn daawooyinka!.

Sida ay sheegayso BBC cilmibaarayaashu waxay sheegeen in dadka bukaanka ah ay ubaahan yihiin in loo kordhiyo mudada soo kabashadooda iyo baxnaanadooda waxa ay ugu baahida badan yihiinna ay taa tahay, waxayna farta ku fiiqeen iney lagama maarmaan tahay in si aad ah loo ilaaliyo xilliyada nasashada si ka badan xilliyada dawada.

BBC ayaa intaa sii raacisay, in sanadkii ay 5 Kun oo qof u dhintaan adkeysiga daawada. Professor Paul Cosford oo ah agaasimaha waaxda Caafimaadka dadweynaha ee England ayaa yiri; “Uma baahin inaad antibiotics u isticaalno daawooyinka cudurrada caadiga ah, badankeen caabuqyo ayaa inagu dhaca xilliyo kala duwan, waxaase lagu bogsan karaa habka difaaca jirka.”

Ugu dambeyn, waxaa hadda soo baxay muhiimadda ay nasashu u leedahay aadanaha, markaa waxaa habboon in qofka xanuusan nasashadiisa laga fakaro si ka badan daweyntiisa.

Goobjoog News