U bood dhigaalka

Daraasad: Qaliinka Haweenka Xilliga Uurka Oo Laga Deyriyay

Sheeko:Caafimaadka

Daraasad cusub ayaa sheegeysa in haweenka la qali karo xiliga ay uurka leeyihiin balse ay haboon tahay in ay ka fogaadaan inta karaankooda ah.

Inta badan Haweenka ayaa qaliin ku sameeyay caloosha, ilkaha,  cijiyada, lafaha, sanka, dhagaha, dhuunta iyo naasaha.

Dhakhaatiir badana ayaa sheegaya in qaliinka xiliga uurka ay dhibaato u keeno karto marka ay dhalayaan.

Daraasadda waxaa kaloo ay soo jeedineysaa in haweenka qaliinka lagu sameeyo xiliga uurka ay dhici karto in ay dhicisaan,  ama ay dhalaan caruur Meyd ah, si taasi ayna u dhicina ay haboon tahay in laga fogaado.

Dhibaatooyinka kale, waxaa ka mid ah in ay dhalaan caruur aan culeys badan laheyn ama xitaa in qaliin kale lagu sameeyo si ay cunuga u dhalaan.