U bood dhigaalka

Darawal Mooto Bajaaj oo Lagu Dilay Ceelasha Biyaha

Sheeko:Amniga

Askari la sheegay inuu ka tirsanaa ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa wiil dhallinyaro ah waxaa uu ku dilay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho.

Wiilka dhallinyada ah ee la dilay ayaa ahaa wade Mooto Bajaaj waxaana magaciisa lagu sheegay Yaxye shariif Daahir, waxaana warar kale duwan ay ka soo baxayaan sababta keentay in askari uu toogto Marxuumka.

Dadka goobjoogayaal ah ayaa sheegay in askari iyo wiilka ay murmeen taas oo dhalisay in askariga  dhowr xabadood  uu ku dhufay marxuumka, isaga oo goobta ku geeriyooday.

Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo goobta gaaray ayaa goobta ka qaaday Meydka marxuumka iyaga oo geeyey mid ka mid ah goobaha caafimaadka degmada ku yaallo waxaana goobta soo gaaray ehelda wiilka ladilay oo qaatay meyd wiilkooda.

Waxaa sidoo kale warar is khilaafsan ay ka soo baxayaan askarigii dilka geystay oo la leeyahay waxaa uu ka baxsaday goobtii uu dilka ku geystay, halka wararka qaarna ay tilmaamayaan in ay qabteen ciidamada dowladda.

Waxaan jirin war war ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka oo ku aadan wiilka maanta lagu dilay Ceelsha Biyaha, ciidamada dowladda ayaa inta badan dilal bareer ah kula kaca wadayaasha Mooto Bajajta sabab weliba ha keentee.

Goobjoog News