U bood dhigaalka

Darawal Mooto Bajaaj Oo Lagu Dilay Muqdisho

Sheeko:Amniga

Wararka ka imaanaya degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in halkaasi lagu dilay darawal kaxeynayey Mooto Bajaaj.

Dilka darawalkan ayaa waxaa ka dambeeyey askari la tilmaamay inuu ka tirsanaa ciidanka dowladda hoose, kuwaasi oo lacagaha canshuurta ka qaadi jiray mootada.

Qof goob jooge ah ayaa sheegay in askariga iyo ruuxa la dilay ay wada murmeen, balse uu rasaas ku furay, wuxuuna dhaawac soo gaaray ugu dhintey mid ka mid ah isbitaallada ku yaalla magaalada Muqdisho.

Ciidamada Booliiska oo gaaray halka dilka ka dhacay ayaa baadigoob ugu jira askarigii dilka ka dambeeyey oo goobta ka cararay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News