U bood dhigaalka

Darawal Mooto Bajaajle Oo Maanta Muqdisho lagu dilay

Sheeko:Dalka

Darawal Mooto bajaajle ah ayaa maanta  lagu dilay Isgoyska Tarbuunka ee degmada Hodan ee magaalada Muqdisho, kaddib markii askari ka tirsan ciidanka dowladda oo rasaas ku furay.

dilka darawalka ayaa ka dambeeyay ka dib markii uu muran soo kala dhex galay askariga iyo darawalka mooto bajaajka, waxaana taasi ay keentay in dhowr xabadood uu ku dhufto.

Ciidamo ka tirsan Booliska ayaa gaaray goobta uu dilka ka dhacay, inkastoo aanay u suura gelin inay gacanta ku soo dhigeen askarigii dilka geystay oo goobta ka baxsaday.

Darawalkan Mooto bajaajlaha ayaa noqonaya kii u horeeyay ee la dilo, tan iyo markii ay dhalatay bisha Ramadaan, waxaa muddooyinkii u dambeeyay isa soo tarayay dilalka loo geysto darawalada mooto bajaajta

Goobjoog News