U bood dhigaalka

Darawallo Ka Cabanaya Isbaarooyin Yaalla Gobalka Shabellaha Hoose

Sheeko:Dalka

Qaar kamid ah darawallada ka shaqeeya gobalka Shabeellaha Hoose ayaa ka cabanaya isbaarooyin la soo dhigay deegaanno badan oo ka tirsan gobalkaasi.

Mid ka mid ah darawaladaan oo u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in rag ku labisan dharka ciidanka dowladda ay dhac u geystaan gaadiidkaasi, islamarkaana sidoo kale lacago tiro badan ay gaadiidka weydiistaan.

Waxa uu tilmaamay in ciidamadaan la bar yaqaano, islamarkaana ay waceen saraakiishooda, hase ahaatee loo sheegay in wax laga qaban doono, balse aanu wax qabadkaasi muuqan.

“Dhibaato xoogan ayaa ku qabnaa wadadaasi, waxaaba ka daran waa lagu joojinaa, waa lagu baarayaa, hadii lagaa waayo lacag waa lagu dilayaa, waan wacnay saraakiishii ciidankaasi hoostagayeen waayo waa la bar yaqaanaa, waxaa nala leeyahay waxbaa laga qabanayaa balse ma muuqato wax qabad” ayuu yiri darawalkaasi.

Maalinba maalinta ka dambeysa waxaa isa soo taraya Isbaarooyinka yaalla deegaanada gobalka Shabellaha Hoose, mana jirto wax muuqo oo hadda laga qabtay dhibaatada lagu hayo dadkaan shacabka ah.

Gudoomiyaha gobalka Shabellaha Hoose Cabdiqaadir Maxamed Nuur Siidii oo u waramay Goobjoog News waxa uu qiray in ay yaallaan Isbaarooyin badan oo shacabka iyo gaadiidkaba lagu dhibo.

Goobjoog News