U bood dhigaalka

Darbiga Kenya Ee Xadka .. 100% Dowladda Soomaaliya Waa is Dhigatay!!

Sheeko:Dalka

Dowladda federaalka ah, hey’adaheeda kala duwan iyo maamul goboleedyada dhammaan waxaa ay bilowgii hore ogaayeen damaca dalka Kenya ee dhismaha darbiga la xiriira, 3 sano ayey arrintan soo socotay, reer Beled Xaawo waxaa qeylo-dhaan bilaabeen waqti hore, 2 jeer ayey wafdi wasiirro ah oo dowladda federaalka ah ka socday xadka booqdeen, laakin wax natiijo kama soo bixin!

2015: Kadib cabasho ka timid Soomaalida xadka gaar ahaan reer Beled Xaawo, dowladda federaalka ah ayaa wafdi u dirtay xadka, wafdiga uu hoggaamiynayey wasiirka difaaca C/qaadir Sheekh Cali Diini waxaa ku jiray Xildhibaanno ka socday guddiyada difaaca, arrimaha dibadda iyo arrimaha gudaha ee baarlamaanka Soomaaliya, waxaa kale oo ka mid ahaa guddigga madaxa-banaan ee xuduudaha iyo federaalka, saraakiil, khubar iyo xubno ka socday maamulka Jubbaland oo isugu jira wasiirro iyo xildhibaanno, 2 maalmood ayey joogeen degmooyinka Doolow iyo Balad-xaawo.

November 18, 2015, Wasiirka difaaca xukuumadda federaalka ah C/qaadir Sheekh Cali Diini oo qoraal soo saaray waxaa uu sheegay, 4 qodob oo kala ahaa:

  1. In darbi la dhisay aanu noo muuqan.
  2. In aanay noo muuqan calaamad xuduudeed la bedelay.
  3. In la qoday god aan ku qiyaasnay 1.6-mitir oo dhinaca Kenya ku yaalla oo u jira 6-mitir calaamadda xuduudda noo ah, godkaasoo dhererkiisu yahay ilaa 700-mitir
  4. Waxaan Buulo-Xaawo dusheeda ku aragnay waddo la xaaray oo baldoosyo la mariyay.

Halkii dowladda la rabay in ay go’aan diblomaasiyadeed ama mid kale qaadato xilligaas, waa laga aamusay, waxaa la sugay 2 sano taasi oo keentay in mar kale ee Balad Xaawo soo qeyliyaan, kolkaas ayaa mar 2aad dowladda dirtay wafdi xaqiiqo raadis ah.

2018: Janaayo 1, 2018, waxaa Muqdisho ka tagay wafdi uu hoggaaminayey wasiirka arrimaha gudaha Cabdi Faarax Juxa, iyaga oo Doolow uga gudbay dhankaas Balad  Xaawo iyo xadka, Juxa  oo safarka kadib hadlay waxaa uu sheegay in uu arkay darbi ay Kenya dhistay 7 KM isaga oo intaasi ku daray in dhismaha ay wal-wal ka qabaan, ayna haboon tahay in la iska ogaado.

Senator  Cabdulaahi Shiikh Ismaaciil Fartaag oo aqalka sare warbixin ka siiyay safarkooda waxaa uu yiri“Sidey inoo xaqiijiyeen mas’uuliyiinta, maamulka iyo waqxgaradka aan ku aragnay B/xaawo, waxay inoo sheegeen barta siligan uu soo maray ee hadda Lixda KM dhisan oo wabiga laga bilaabo illaa magaalada Afkeeda ah in 790 guri oo Soomaaliya ay leedahay iney dhanka Kenya martay, xuduud beenaadkaasi marka ma keenaa mise kooda, waa mid u baahan in la saxo, laakiin siligaasi hadda maray ee dadka dhagax tuureen waxaan idiin sheegayaa golaheena aqalka sare 790 Soomaalida leedahay iney xaggaasi martay, Soomaalida Kenya ma ahan ee waa Soomaalida Soomaaliya.

Arrinta kale oo la yaabka laheyd waa in warbixinta ay guddiga soo gudbiyeen Janaayo aan meesha laga qaadin, si qeylo-dhaan 3aad u soo diraan reer Balad Xaawo, waxaana muuqato markan in talo faraha ka baxday.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa oo ka tirsanaa xildhibaannadii 2015tii tagay Balad Xaawo iyo xadka, isaga oo wakiil ka ahaa guddiga arrimaha dibadda ee baarlamaanka 9aad ayaa Goobjoog News uga warramay isbadallada dhismaha darbiga ee Kenya ay ka waddo xadka.

“ Xilligii aan tagnay, haddii wax laga qaban lahaa wax weyn ayaa laga hortagi lahaa, go’aan dowladeed ma imaanin, wixii aan soo aragnay golaha ayaa u soo gudbinay, xataa aniga baarlamaanka carbeed ayaan geeyay oo bayaan ka soo saaray in aan lagu xad-gudbi Karin Soomaaliya bad bari iyo bad”

Xildhibaan Maxamed Cumar Dhaxla waxaa uu dowladda federaalka ah ku eedeeyay in ay is-dhigatay “100% dowladda federaalka ah waa is dhigatay, raad raac ma sameynin oo hadalkeenna iyo warbixintii khubarada meesha lagama qaadin, kuwii baxay 3 bil ka hor baxay raadkii aan raacnay ayey mareen, nasiib darro hadalkooda waxba laga soo qaadin, xataa cadaadis diblomaasiyadeed ma saaro, 2 usbuuc qaadka la joojiyo ayaa ku filan”.

Arrinta darbiga Kenya ka dhiseyso Soomaaliya ayaa gaartay meel aan laga aamusi Karin, waxaana muuqata in la gaaray xilligii ay labada dal ka wada hadli lahaayeen sida ay wax yihiin, waa arrin u baahan go’aan hadda ah oo aan la sugin dhib kan ka weyn iyo qeylo-dhaan kale.

Goobjoog News