U bood dhigaalka

Darwal Mooto Bajaaj Oo Lagu Dilay Magaalada Muqdisho

Sheeko:Amniga

Askari la sheegay in uu ka tirsanaa ciidamada ammaanka degmada C/casiis ee magaalada Muqdisho ayaa dilay wiil dhallinyaro ah oo ku shaqeynayey Mootada Saddexda lug leh ee loo yaqaan Bajaaj.

Marxuumka ayaa magaciisa naloogi sheegay Ismaaciil Maxamed Saciid, iyadoo rasaasta ay kaga dhacday qeybaha sare ee jirkiisa, sida ay inoo sheegeen dad goob joogayaal ah.

Askariga iyo Ismaaciil ayaa la sheegay in uu dhexmaray muran, taasi oo keentay in darawalkan rasaas lagu furo.

Ciidamada ammaanka, gaar ahaan kuwa ku sugan Koontaroolka xeebta Liido ayaa la xaqiijiyey iney gacanta ku dhigeen askarigii wax dilay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News