U bood dhigaalka

Daryeelka Waalidka oo Keena in Caruurtu Kala Caqli Bataan

Sheeko:Caafimaadka

Daraasad cusub oo la sameeyay ayaa lagu ogaaday daryeelka waalidku uu keeno in ilmaha curadka ah uu ka caqli bato caruurta ka yaryar ee walaalihii ah.

Khubarada jaamacadda Edinburgh ayaa waxay dib u fureen dood horey u jirtay oo ahayd caruurta walaalaha ah ee wadadhasha keebaa ugu caqli badan?, waxayna cilmibaaris ay sameeyeen ku ogaadeen in canugga curadka ah ee ilmaha ugu weyn uu ka caqili badan yahay sanad, marka loo eego caruurta kale ee walaalihiisa ah ee ka yar da’ahaan.

Cilmibaarayaashan ayaa sheegay in sababtu tahay markasta ilmaha horreeya waxaa ku badan koolkoolinta iyo dhiirigelinta dhanka waalidka iyo iney helaan kobciyo fikirkooda ah oo dhanka labadiisa waalid  ah, sanadaha hore ee da’diisa.

Cilmibaaristan ayaa waxaa iska kaashaday shirakadda “Onalaziz Group” iyo jaamacadda Sydney, iyagoo dib u eegay shaxda ubad korinta Mareykanka ee ka soo baxday xafiiska tirakoobka shaqada Mareykanka.

Cilmibaaristan ayaa lagu baaray illaa 5 kun oo caruur ah oo la eegayay inta aaney dhalan ka hor illaa 14 sano, iyadoo la sii tixraacayo faylka qoysaskooda ee hore iyo xaaladooda dhaqaale, hibooyinka caruurtaasi ay leeyihiin ayaa lagu qiimeeyay qiyaasta caqligooda, sida wax akhrintoodu tahay, kala soocidda sawirrada iyo xarfaha qoraalka.

Waxay culumadu si gaar ah u eegeen kaalinta habdhaqanka waalidka, sida iney leeyihiin balwad xilliga uurka iyagoo ka eegay saameynta ay ku yeelato caqliga caruurta dhalneysa iyo hibooyinka ay yeeshaan.

Culimadan cilmibaarista sameysay ayaa waxaa u soo baxay in caruurta hore ay ka nasiib fiican yihiin kuwa kale ee ka da’da yar, dhanka daryeelka waalid iyo kala qeybqaadashadiisa shaqooyinka arday ee dhanka iskuulka, waxayna ogaadeen in mar kasta waalidku uu ka sii caajisayo daryeelka ubadka kolba marka uu ilmo cusubi dhasho, taasina ay keenayso in ay kala maskax badnaadaan.

Dr. Anna Nuevo Chuquiro oo ka tirsan jaamacadda Edinburgh ee dhaqaalaha ayaa sheegtay in natiijada cilmibaarista ay tilmaameyso “isbedelka ku yimaadda dhaqanka waalidka ee caruurtiisa ay saameyn ku yeelato maskaxdiisa”.

Si kastaba, daraasaddani waxya meesha ka saareysaa cilmibaarisyo hore oo tilmaamay in caruurta yari ay ka maskaxbadan yihiin kuwa ka weyn, Soomaalidii hore waxay oranjireen “Nin gu’ kaa weyni gu’ baas kaa weyn”, iyagoo markaa tilmaamayay in qof kaa weyn sanad markasta uu kaa caqli badan yahay.

Goobjoog News