U bood dhigaalka

Dastuurka Galmudug: Xil-heynta Madaxweynaha iyo Baarlamaanka Waa 4 Sano Oo Bilaabaneysa March 2018

Sheeko:Dalka

Sida ku qoran dastuurka Galmudug oo nuqul ka mid ah ay heshay Goobjoog News muddada xil-heynta madaxweyne Axmed Geelle Xaaf iyo baarlamaanka isku dhafka ah waxaa ay ka bilaabaneysaa 26/03/2018 iyada oo socon-doonta ilaa March 2021-ka.

Arrintan ayaa ka dambeysay kadib heshiis maamullada Galmudug iyo Ahlu-sunna ku dhex maray Djibouti December 2017.

Cutubka 6aad, qodobka 83aad waxaa uu ka hadlayaa “ansixinta iyo wax ka bedelka  dastuurka dowlad goboleedka Galmudug”.

Haddaba, faqrada 9aad, 10aad iyo 11aad ee isla qodobkaas 83aad waxaa ay ku qoran yihiin sidan:

(9) madaxa xukuumada waxaa xilka looga qaadi karaa cod hal dheeri ah ( 50+1 ) waxaana badalkiisa soo magacaabanaya ahlusuna waljamaaca.

(10) Waxaa xilliga kala-guurka jiraya Gole Xeer-dejin oo xubnahiisu dhanyihiin labo boqol iyo kow (201) xildhibaan.

(11) Muddada xilliga kala-guurku waa afar sano ( 4 ); oo ka bilaabata 26/03/2018; oo ah markii la isku daray labada baarlamaan”.

Goobjoog News