U bood dhigaalka

Dastuurka Jubbaland Oo Maanta La Ansixinayo

Sheeko:Dalka

Maanta ayaa lagu wadaa in magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose lagu ansixiyo Dastuurka maamulka Jubbaland, ka dib markii uu shalay soo dhamaaday shir Laba maalin socday oo arimaha Dastuurka lagu falanqeynayay.

Shirkaan ayaa ah mid ay ka qeybgalayeen 300 oo Ergo, kuwaasi oo maanta ansixin doona Dastuurka.

Shalay ayuu qorshaha ansixintaDastuurka ahaa, hase ahaatee arimo jiro ayaa la sheegay in maanta dib loogu dhigay.

Hadii maanta ay Ergada ku shirsan Xarunta Caymiska ee magaalada Kismaayo ay anisixiyaan Dastuurkaan, waxa ay ka dhigan tahay in maamulka Jubbaland uu yeeshay Dastuur KMG ah.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News