U bood dhigaalka

David Cameron Oo Maanta Shaqada Ka Tagaya

Sheeko:Dalka

Ra’iisul wasaaraha dalka Ingiriiska David Cameron ayaa lagu wadaa in maanta oo Arbaco ah ah uu si toos ah uga tago xafiiskiisa, kadib markii uu dhawaan ku dhawaaqay inuu is casilayo.

Waxa uu istiqaaladiisa maanta u gudbin doonaa boqorada dalka UK, kahor waxa uu tagi doonaa baarlamaanka dalkaasi isaga oo si caadi ah uga jawaabi doona su’aallo la weydiinayo, isaga oo shalay shir guddoomiyey shirkii ugu dambeeyay ee wasiiradiisa.

Xilkan waxaa la filayaa inay la wareegto haweeneyda lagu magacaabo Theresa May iyada oo noqon doonta Ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka Ingiriiska.

Cameron ayaa xil ka degistiisan waxay ka dambeysay kadib markii shacabkii ay u codeeyeen in ay ka baxaan Midowga Yurub.

Goobjoog News