U bood dhigaalka

David Concar Oo Goobjoog Uga Warramay Shirkii London iyo Arrimaha Banii’aadnimada

Sheeko:Dalka

Todobaad kadib, shirkii banii’aadnimada ee London, Goobjoog News ayaa arrintaasi wareysi gaar ah kala yeelatay safiirka UK ee Soomaliya David Concar, innaga oo wax ka weydiinay shirkii banii’aadamnimada ee London ka dhacay todobaadkii hore.

Concar oo waxa uu ku jawaabay “Shirkii ka dhacay London ee usbuucii hore, wuxuu ahaa mid lagu xaqiijinayo dareenka caalamku markiiba ka muujiyey arrintan marka guusha weyn ee la gaaray sanadkii hore , waxay ahayd qeylo dhaanta iyo suurtagalnimada inay ka dhacdo macluul Soomaaliya taasoo xilli hore laga digey maxaa yeeley hay’adaha gargaarka markaas ayey diyaargaroobeen illaa xad waliba si dhaqsa ah,  tanina waxay xaqiijisay in baahida dadka aad u il daran in la gaari karo sanadkaanna waxaan rajeyneynaa inaan sameynno si la mid ah diyaargarowgii hore,  maxaayeelay waxaa muuqata inay jiraan dad gaaraya 5.4million oo baahan kuwaasoo ku sugan Soomaaliya waana tiro aad u badan kala bar dadkaasna waxay jiraan xaalad aad u qallifsan marka nuxurka dhacdadii London,  waxay ahayd in la xusuusiyo caalamka uu la yiraahdo dhibaatadan wali ma dhammaan shaqo wanaagsanna waan qabanay sanadkii tagey, inagoo kaashaneyna dowladda Soomaaliya iyo maamulladeeda waxaana dooneynaa inaan shaqo kale oo wanaagsan sameyno sanadkan inagoo ka shidaal qaadaneynaa warbinnada aan heleyno marka kalsooni badan ayaan qabnaa  si loo guuleysatana waa in qof kasta uu gacan ka geysto caalamkuna uusan waxba la harin sidii ay sameeyeen sanadkii hore si looga gudbo qarash yarida jirta,  laakiin lacag badan ayey hore xubnahaan u ballanqaadeen marka waa billaw wanaagsan dowladda dhexe ee Soomaaliyana waxaa laga doonayaa inay doorkooda qaataan iyagoo xaqiijinaya sidii gargaarka bini’aadannimo loogu heli lahaa hannaan lagu gaarsiiyo dadka u baahan haddii aan arrimahaan sameyno waxaan markaas weecin karnaa macluusha sanadkan sidii la yeelayba sanadkii hore.

Mar uu ka hadlayey guulihii sanadkii hore laga gaaray arrimaha bini;aadanimo ayuu yiri“Mid ka mid ah guulihii la gaaray sanadkii hore waxay ahayd xaqiiqdii inaan ku guuleysannay caawinaad badan inagoo lacag si toos ah ugu gudbinay bulshada ay abaartu ku dhufatay ee baahida ku sugan marka mid ka mid ah xulashadeenna sanadkan waxay noqon doontaa inaan arrintaas sii wadno oo lacag u gudbinno qoysaska u baahan si ay awood ugu helaan inay aadaan suuqyada goobaha ay deggan yihiin ku yaal kuna iibsadaan raashinka, biyaha ee qoysaskoodu u baahan yihiin, intaas waxaa dheer inaan lacag u qoondeyno lagu daweeyo carruurta aadka u nafaqo darreysan si degdeg ahna loo quudiyo shaqsiyaadka aan gaari Karin suuqyada si ay wax uga soo iibsadaan in laga taageero dadka qaabkii ay biyo ku heli lahaayeen nadaafadda iyo daaweynta degdeg oo loo sameeyo dadka u baahan sidoo kale lacagta qaar waxay gaari doontaa dadka xoolo dhaqatada ah iyo beeraleyda si ay noloshooda ugu maareeyaan biyana ugu helaan xoolahooda taasoo muhiim u ah noloshooda.

Safiirka UK ayaa sidoo kale ka jawaabay nuxurka shirkii London oo ay UK martigelisay, isaga oo arrintaas ka jawaabayana waxa uu yiri “waxaan isleeyahay wax badan oo wanaag ah ayaa kasoo baxay midi wuxuu yahay in arrintaan dadka la xusuusiyo marka dadka hadda waa lagu wargeliyey, hoggaamiyaasha siyaasadda dadka hoggaamiya hay’adaha gargaarka waxaa la xusuusiyo inay wali dhibaato weyn ka jirto Soomaaliya iyadoo jiraan guulihii la gaaray sanadkii hore taasi waa natiijada ugu muhiimsan ee shirkii London tan labaad Deeq-bixiyaashu waxay ballanqaadeen xoogaa lacag ah waxayna sheegeen inay in ka badan bixinayaan kadib shirka iyagoo eegaya natiijada ka dhalata shirka waana run inaynaan wali gaarin xaalad aan dhihi karno waan gaarnay xilli aan dabooli karno baahida qaramada midoobay waxay ku qiyaastay in lacag gaareysa 1.5million dollar in sanadkaan la qorsheeyey anaguna billaw fiican ayey sameynay waxaana isleeyahay iskudarka qarashaadka inay noqoneyso 350million dollars, sanadkan waxaan hawlaheena ku billownay 40-million oo lacagta Ingiriiska ah oo lagu kordhiyey 21-million oo pound haddana usbuucii hore waxaan ku darnay 24.6-million pound marka UK ayaa hoggaamineysa qarashaadka la yaboohay waana sii soconeysaa inagoo rajeyneyna inaan UK ka helno lacag gaareysa 85.6-million pound taasoo ah yabooh billaw ah oo UK bixineyso deeq-bixiyaashuna iyagaa diyaar ah anagu ma dhaheyno wax bixiya.

Meelaha ay UK iyo midowga Yurub, wa ka wada qabtaan waxaa uu sheegay “arrintani waa samafal bini’aadannimo marka aan ka hadalno xaaladda bini’aadannimo jawaabta su’aashaanna waxay noqoneysaa inaan tilmaamo in xaaladda ammaan ee Soomaaliya ay qeyb ka tahay dhibaadata bini’adannimo ee jirta marka sababta aan u dooneyno inaan gaarno bulshooyinka badan iyo qoysaska oo aad beylah ugu ah saameynta ay ku yeelatay abaarta waxay tahay sabab ka dhalatay ammaan darrida dalka ka jirta waana arrinta ugu weyn mana aha arrin ka dhalatay roob ee waa amni darro marka UK waa Deeq-bixiye weyn oo dooneysa inay wax badan ka qabato arrimaha la xiriira amniga ee Soomaaliya iyadoo kaashaneysa ururro kale iyo waddamo AMISOMNA kaalin muhiim ah ayey ka qaadaneysaa ilaalinta meelaha dadku deggen yihiin ilaalinta waddooyinka la marsiinayo kaalmada bini’aadannimo waana sii wadayaan inkastoo aan leenahay Soomaalidu waa inay iyagu amnigooda ka shaqeeyaan anaguna waan ka taageerneynaa waa inaan waaqici noqonaa oo aqbalnaa in mustaqbalka dhow ay AMISOM kaalin weyn ciyaareyso kaalintaasna waxay si gaar ah muhiimad ugu leedahay bini’aadannimada maxaayeeley haddii ay AMISOM degdeg u baxdo taasi waxa ka dhalan kara dhibaatooyin badan waxaana si weyn uga sii dari doonta xaaladda bini’aadannimo.

Goobjoog News