U bood dhigaalka

Davos 2017: Isku Day Lagu Dardar Gelinayo Dhaqaalaha Dunida

Sheeko:War

Sanadkasta xilligan oo kale, dadka dunida ugu taajirsan ayaa ku kulmay shirka dhaqaalaha dunida ee Davos dalka Switzerland, waxaa shirkan meel wada fariista, kumanaan maalmule, Madax dawladeed, siyaasiyiin oo hal kursi wada wadaaga; si ay dhaqaalaha dunida u dardar geliyaan.

Intabada madaxda caalamku waxay shirkan la tagaan ballamo ay ka mid yihiin, cadaaladda bushada, sinnaanta, la dagaallanka faqriga iyo shaqo la’aanta, iyo ballamo kale, iyagoo tilmaamaya iney doonayaa badbaadinta dhaqaalaha dunida oo dhibaatooyin badani ay ku wareegsan yihiin.

Iydoo ay jirto in sanad walba ay warbaahintu si xoog leh shirkaan u buunbuunisa, ayaa hadana natiijadiisa iyo wax tarkiisa la waayaa marka uu shirku dhamaado illa hadan uu shirku ka soo laabanayo sanadka kale iyadoo dadkii hantiilayaasha ahaa ay hantidoodii soo korortay dadkii faqirga ahaan  ay xaaladdu ku sii adkaatay, mushaakil dhaqaale oo kii hore ka sii adag, iyadoo shirku uu ku fashilmay inuu xal sahlan ka soo gudbiyo arrimaha khatarta ah ee ku waajahan dhaqaalaha dunida.

Talaadadii 17 Janaayo ayaa waxaa si rasmi ah uga furmay dalka Switzerland shirka dhaqaalaha dunida ee Davos kulankiisii 47aad, iyadoo ay ka qeybgaleen 3 kun oo iskugu jira siyaasiyiin iyo hantiilayaasha ugu waaweyn dunida; si ay uga wadahadlaan arrimaha ugu waaweyn dunida, iyadoo sanadkan uu hal ku dhaggu yahay “Hoggaan heersare ah oo mas’uuliyad leh”, mas’uuliyiintaa ayaa geli doona kulamo gaaraya 400 oo kala duwan.

Sandkan ayaa waxaa ka qeybgalaya 1000 qof oo agaasimayaal shirkadood ah iyo 30 ka mid ah madaxweyne iyo ra’isul wasaare, ay ugu muuqaadaan madaxweynaha Shiinaha Xi Jinpin iyo ra’isul wasaaraha Ingiriiska, Theresa May, ku darso madaxda sanduuqa lacagta Adduunka, hay’adaha Qaramada Midoobay, iyo ururka Ganacsiga Adduunka.

Farqiga u dhexeeya dadka tujaarta ah iyo kuwa Faqiirka ah oo sii kordhaysa

Farqiga u dhexeeya dadka tujaarta ah iyo fuqarada Adduunka ayaa ah kan ugu weyn ee lagu qiyaasi karo dhaqaalah dunida, shirka Davos ayaa inta badan bilowgiisa waxaa warbixin laga dhageystaa hay’adda Oxfam oo soo saartay in dadka taajiriinta ah ay sii lacageysteen dadka faqirga ahna ay gaajadii ku sii korortay.  

Oxfam ayaa sheegtay in gaabka u dhexeeya hantiilayaasha dunida ugu iyo dadka faqriga ah uu yahay mid aad u sarreeya, sanadka 2016, 9 qof ayaa waxay leeyihiin hanti u dhiganta 3.6 billion oo qof oo dadka ugu faqrisan dunida ah.

Sanadkii 2010, 43 shakhsi ayaa u dhiganta iney haystaan hanti  u dhiganta % 50, hantida ay haystaan dadyowga ugu faqrisan dunida.

Warbixin ay sameysay BBC oo soo baxay Isniin, 16, Janaayo, 2017, ayaa lagu sheegay in shirka Davos uu ku fashilmay saadaalin uu sameeyay sanadkii 2016 xilliyadan oo kale, waxa uu shirku ku saadaaliyay in dowladda Ingiriiska ay u badan tahay midawoga Yurub iney ku sii jirto, sidoo kale waxay meesha ka saareen in Donald Trump uu ku guuleysan karo madaxtooyada Mareykanka oo ay saadaaliyeen in laga guuleysan doono.

Shirka Davos ee dhaqaalah dunida ayaa ah urur dowli ah oo aan ahayn mid faa’ido isku xilsaaray hurumarinta dunida dhanka dhiirigelinta ganacsiga, iydoo ay jirto dhinacyo kale oo siyaasadda iyo taageerada bini’aadamnimo oo shirka looga hadlo, waxaa asaasay Por. Dhanka Business-ka ah ee Schwab 1971 dalka Switzerland. Sanadkii 2006 ayaa Forum-ku xafiisyo ka furtay dalalka caasimadda China ee Beijing iyo News York dalka Mareykanka.

Goobjoog News