U bood dhigaalka

Dawlad Cusub Oo kusoo Biirtay Dagaalka Ukrain Iyo Weli Duqeymihii Ruushka Oo Socda

Sheeko:Amniga

Saacadihii la soo dhaafay waxaa la arkayay isbadello deg deg ah tan iyo markii madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu ku dhawaaqay in la billaabay howlgal milateri ee Ruushku ka fulinayo Ukraine, iyadoo uu jiro walaac caalami ah oo ku aaddan saameynta dagaalka.

Dhawaqa qaraxyada ayaa laga maqlay magaalada caasimadda ah ee Kiev iyo dhowr magaalo oo Ukrain ah oo ku dhow jiidda hore iyo xeebaha dalkaasi ee badda modow ka hor waaberigii saaka, wax yar ka dib markii madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu ku dhawaaqay “hawlgal militari” oo Ukraine ay ku sheegtay Duullaan.

Jariidada Wall Street Journal oo soo xiganaysa sarkaal u hadlay Ukraine ayaa sheegay in uu rumaysan yahay in boqollaal askari oo reer Yukreen ah lagu dilay duqaymaha cirka ee Ruushka iyo weerarrada gantaallada ee habeennimadii xalay.

Goobjoogayaal ku sugan Keiv ayaa soo sheegay in dhismayaal dawladda leedahay iyo xarumo dadweyne oo ku yaala caasimadda Kiev ay waxyeelo kasoo gaartay duqeynta, iyadoo dhanka kale wasaaradda arrimaha gudaha Ukraine ay sheegtay in duqeynta Ruushka uu ku dilay hal qof mid kalena uu ku dhaawacay magaalada Kiev, iyadoo markii dambe shaacisay, in 7 qof ay ku dhinteen 9 kalena ay ku dhaawacmeen duqeymaha Ruushka ee guud ahaan dalka.
Dhankooda, ciidamada Ukraine ayaa sheegay inay dileen ku dhawaad 50 askari oo Ruush ah, halka lix diyaaradoodna ay ku burburiyeen bariga Ukraine, balse wasaaradda gaashaandhigga Ruushka ayaa sheegtay inaysan waxba ka jirin wararka ku saabsan soo rididda diyaaradaha iyo burburinta gaadiidka gaashaaman ee Ruushka.
Si kastaba ha ahaatee, hugunka madafiicda culus ayaa sidoo kale laga maqlay magaalada Kharkiv, oo ah magaalada labaad ee Ukraine ugu weyn, taasoo 35 km u jirta xuduudka Ruushka, waxaana 4 qarax oo xooggan laga maqlay xadka Kramatorsk, oo ay xukuumadda keiv u aqoonsatahay caasimadda beriga Ukrain halkaas oo ay ka socdaan dagaalo udhaxeey ciidamada dawladda iyo kooxaha gooni u goosadka ee Ruushka tageero.

Duqeymaha

Goor sii horeysayna sidoo kale duqeymo culus ayey diyaaradaha Ruusku la beegsadeen saldhig ciidamada badda ee ukrain ay kulahaayeen magaalada Odessa ee dhacda Badda Madow, Wakaalada wararka Interfax ayaa ku warantay in weeraro duqeymo ah lagu qaaday xarumaha militariga ee ku yaala guud ahaan dalka Ukraine, waxayna sheegtay in ciidamada Ruushka ay ka soo degeen magaalooyinka xeebta koonfureed ee Odessa iyo Mariupol, Balse militariga Ukraine ayaa sheegay in wararka sheegaya in ciidamada Ruushka ay kasoo degeen magaalada Odessa ay yihiin been abuur, iyagoo sheegay in ciidamada cirka ee Ukraine ay isku dayayaan inay iska caabiyaan weerarka cirka ee Ruushka.

Dhankiisa Wasiirka Difaaca ee Ukraine ayaa xaqiijiyay in cutubyo ka tirsan ciidmadaUkraine, xarumaha laga maamulo militariga iyo garoommada diyaaradaha ee bariga Ukraine inay lakulmeen duqeymo xooggan oo Ruushku fuliyay.

Xukuumadda keiv ayaa sheegtay in Ruushku uu duullaan ballaaran ku soo qaaday dhulkooda, Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa sheegay in Ruushka uu duqeymo gantaallo ah ku weeraray kaabayaasha dhaqaalaha iyo ciidamada ilaalada xudduudaha Ukraine.

Kooxaha gooni u goosadka ah ee uu Ruushka taageero ee ku sugan bariga Ukraine ayaa sheegay in ay qabsadeen laba magaalo oo ka tirsan gobolka Lugansk ee dalka Ukraine.
Horjoogyaasha gooni u goosadka ee uu Ruushka taageero ee ku sugan bariga Ukraine ayaa wakaalada wararka ee Interfax waxay sidoo kale kaso xigatay Khamiistii in hadafkooda ugu weyn uu yahay inay dib u soo ceshadaan gacan ku haynta guud ahaan gobolada Luhansk iyo Donetsk, ee dhowaan Ruushku aqoonsaday

Putin: Waxaan rabnaa inaan Ukraine hubka ka dhigno

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa sheegay in Moscow ay doonayso in ay hubka ka dhigto Ukraine oo ay ka takhalusto waxa uu ku tilmaamay Naasiyiinta-Cusub, isla markaana aysan qorshaha ugu jirin inay Moscow qabsato dhulka Ukraine.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay in mas’uuliyadda dhiig kasta oo daata uu dusha saaran doono maamulka Ukraine, isagoo ku goodiyay in haddii ay dhacdo faragelin shisheeye uu Ruushku jawaab degdeg ah ka bixin doono.

 

Gashaan Buurta NATO

Xoghayaha guud ee NATO ayaa sheegay in gashaanbuurtu ay garab taagan tahay shacabka Ukraine waqtigan adag, ayna sameyn doonaan wax walba oo ay ku difaaci karaan, ayna difaaci doonaan dhammaan xulafadooda.
Geesta kale, Wasaaradda Difaaca ee Ruushka ayaa ku dhawaaqday in ciidamadeedu aanay qaadin gantaallo iyo duqeymo cirka ah oo ay ku qaadeen magaalooyinka Ukraine, balse ay ku qaadeen goobo ciidan.

GOOBJOOG NEWS

W|Q: Yahye Abadullaahi Soocade