U bood dhigaalka

Dawo La’aan Ka Jirta Isbitaalladda Ku Yaalla Degmada Garbahaarey Ee Gedo

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Garbahaareey ee xarunta gobalka Gedo ayaa sheegay in Dawo la’aan ay ka jirto Isbitaallada ku yaalla magaaladaasi, xilli ay jiraan dad xanuuno kala duwan la il daran.

Gudoomiyaha degmadaasi Iimaan Cadow Kaarshe oo u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in xarumo lagu iibiyo daawooyinka ay ku dambeeyay in yar oo aan badneen oo Dawo ah, ayna adag tahay in la helo hadda dawo dadka ku filan.

Cudurada hadda ka jira degmada oo dadka qaarkii ay la xanuunsan yihiin ayuu Gudoomiye Kaarshe ku sheegay in ay ka mid yihiin, Duumada, Jadeecada iyo Shuban Biyoodka.

“Meelo yar yar oo dad gaar u leeyihiin ayaa Dawo lagu iibiyaa, laakiinse Isbitaalada malahan, dad badan ayaa xanuun la il daran, wadooyinka qaarna waa ay xiran yihiin” ayuu yiri Gudoomiye Kaarshe.

Ugu dambeyn gudoomiyaha degmada Garbahaarey Iimaan Cadow Kaarshe ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka Soomaaliya in gurmad Dawo ah ay la gaarto degmadaasi, oo haatan dad badani ku dhibbanay yihiin.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada