U bood dhigaalka

Dawo La’aan Ka Jirta Isbitaalka Degmada Maxaas Ee Hiiraan

Sheeko:Caafimaadka

Isbitaalka  Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan waxa laga soo sheegayaa in ay ka jirto dawo la’aan baahsan oo saameysay bukaannada ku jira isbitaalka guud ee Degmadaas.

Dr axamed Cabdi Warsame oo ah Dhaqatarka guud ee Isbitaalkaasi ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog News siiyey ku sheegay in baahida ka jirta isbitaalkaasi ay aad u badan tahay.

Isbitaalka oo looga soo dawo doonto meello badan oo gobollada Hiiraan iyo Galgaduud ah ayuu Dr Warsame sheegay in aysan hayn dawooyinkii muhiimka ahaa, sidoo kalena ay jirto qalab la’aan.

Dadka ayuu sheegay kaliya iney u awoodaan iney siiyaan xanuun baabi’iyaal iyo dawooyinka yar yar, balse aysan haysan dawo wax loogu qaban karo guud ahaan bukaannada Isbitaalka.

“Qurbejoogta deegaanka ayaa caawiya oo kaliya Isbitaalka Maxaas, wax hay’ad ah oo wax nagu saacida ma jirto, baahi caafimaad oo aad u adag ayaa Isbitaalka taallo, waxaan dalbaneynaa iney nala soo gaaraan gurmad dawo ah” ayuu yiri Dr Cabdi Warsame.

Ibitaalka degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan waxaa ku jira bukaanno kala duwan, hadane bukaannadaasi ma haystaan dawooyinkii loo baahnaa.

Goobjoog News