U bood dhigaalka

Dayacaadda Villa Somalia: Tirakoob Aan Ku Sameynay Safaaradaha Dibadda ee u Dummi raba Dayactir La’aan

Sheeko:Amniga

Kadib booqashadii ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ee uu shalay ku tagay safaaradda Soomaalida ee Paris, markii uu indhihiisa ku soo arkay dayactir la’aan sanado badan ah iyo iney safaaraddu meel kasta ka duntay iyo weliba qorshe la’aanta maamulka Villa Somalia ee ku aadan bad-baadinta dhismayaasha iyo hantida qaranka ee dibadda.

Goobjoog News waxaa ay baaris ballaaran ku sameysay dhismeyaasha uu qaranku leeyahay  safaarado ama guryo ee u baahan dayactir laakin Villa Somalia aaney arkin, una heyn qorshe xilligan wax looga qabanayo.

Baarista Goobjoog ee ku aadan dayacaadda dowladda federaalka ah ee dhulkii qaranku lahaa ee dibadaha ayaa waxaa ay ku aadeysaa xilli khubaro ka tirsan UN-ka ay todobaadkan soo saareen qoraal lagu sheegay in Villa Somalia ay ku dhowaad hal miyan oo dollar ku bixisay laaluush si ay u soo saarto murashaxeeda doorasho ka dhacday Koonfur galbeed Soomaaliya  December 18, 2018.

Baaristan waxaynu sameynay 2 bil kadib markii uu maamulka Farmaajo safaarad cusub ka  gaday Wyoming Aven ee  Washington taas oo horay u aheyd saafaaradda Columbia, lacagta ku baxday  waa $4.3 million, lacagtaas inta badan waa dalaalnimo iyo wax isdaba marin. Arrimahan musuqa, hufnaan la’aanta iyo isla xisaabtanka oo meesha ka baxay darteed Transparency International  waxaa ay Soomaaliya gelisay dalka ugu musuqa badan adduunka ee 10-kii sano ugu dambeeyey.

Haddaba, Halkan Ka Akhriso: Qeybta 1-aad ee Dhismayaasha Dayactirka u Baahan:

1. Safaaradda Paris: Dhismaha oo qadiimi ah waxaa uu u baahanyahay ilaa $200,000

2. Guriga Danjiraha Soomaaliya ee Paris: Gurigan waxaa uu u baahanyahay $70,000

3. Safaaradda Rome: Dhismahan oo qadiimi ah waxaa uu u baahan yahay $250,000

4. Guriga Danjiraha ee Rome: Waa guri meel fiican ku yaalo waxaa uu u baahan yahay $40,000

5. Safaaradda Brussels: Waa dhisme kale oo u baahan ilaa $200,000-300,000

6. Guriga Danjiraha ee Brussels: Guriga waxaa lagu dayactiri karaa $55,000-65,000

7. Qunsuliyadda Cadan: Waa dhisme u baahan ilaa $150,000

8. Safaaraddii iyo guriyaga qaran ee Lagos: Kulli waxaa lagu qiyaasay iney ku bixi karaa $350,000

Waxaa jiro guryo, xarumo iyo hanti kale oo uu qaranku lahaa oo aaney ka war heyn dowladda federaalka ah ama iska dayacday iney raadiso, ka warqabto ama ay dayactirto.

Lacagahan ay khubarada Soomaaliyeed noo sheegeen in ay dartood khatar ugu jiraan guryo uu qaranku lahaa, waxaa aad uga badan lacagta ay  hey’adaha caalamiga ah sheegayaan iney laaluush ku bixiso dowladda federaalka ah, haddaba, maxaa hortaagan in guryahan la dayactiro.

La soco Qeybta dambe iyo guryo iyo hanti qarka u saaran in lala wareego!

W/D: Cabdi Caziz Axmed Gurbiye,