U bood dhigaalka

Dayactir ka Bilowday Goobihii Uu Saameeyay Qarixii Otto Otto

Sheeko:Dalka

Isgoyska Sayidka oo shalay uu qarax ka dhacay waxaa ka bilowday dib u dayactir lagu sameynayo goobaha ganacsi ee burburay.

Qaraxa ayaa saameyn ku yeeshay goobaha ganacsi ee u dhow Isgoyska Sayidka waxayna ganacsatada ay bilaabeen in ay dib u dhisaan goobahooda burburay.

Ganacsatada ayaa sheegay inuusan badneyn khasaaraha hantiyadeed ee ka dhashay qaraxii shalay dhacay waxayna tilmaameen inay hadda ku guda jiraan dib u dayactirka goobahooda.

Shalay ayey aheyd markii Isgoyska Sayidka uu ka dhacay qarax kaasi oo lala beegsaday wasaaradda amniga iyo arrimaha gudaha waxaana ka dhashay khasaare nafeed iyo burbur soo gaaray goobo ganacsi oo ku yaalay meel aan ka fogeyn halkaasi.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ballan qaaday markii uu ku jiray ololihiisa doorashada in dolwadda ay dhisi doonto goobaha ganacsi ee waxyeellada ka soo gaarto qaraxyada.

Goobjoog News