U bood dhigaalka

Dayactirka  Istaadiyo Muqdisho Oo Gebagebo Ku Dhow

Sheeko:Cayaaraha

Waxaa meel wanaagsan maraya dayactirka & dhismaha Garoonka Ciyaaraha ee Istaadiyo Muqdisho,Garoonkan oo ah midka ugu wayn dalkeena ayaa waxaa haatan u harsan waxyaabo yar yar oo ah dhameystirka dhismaha.

Wax dhamaadkii sanadkii hore 2019 booqday madaxda Xiriirka Kubbadda cagta iyo dhallinyarada ka timid wadanka UK,iyagoo sanadkii labaad booqasho iyo indha indheyn ku tagay tuulada,waxayna Goobjoog u sheegeyn in wax badan oo la taaban karo laga badalay garoonka ugu weyn Soomaaliya.

Guddoomiyaha Xiriirka Kubabdda Cagta Soomaaliya Cabdiqani Saciid Carab ayaa sheegay marka la dhameeyo holwaha ka socda Tuulada ciyaaraha Stadium Muqdisho uu xiriirka ku qaban-ddoono tartamada kala duwan ee kubbadda cagta,maadaama iminka ay jirto baahi badan oo garoomada.

Garoonka Stadium Muqdisho oo la dhisay Sanaddii 1978-dii ayaa lagu qaban jiray in badan oo ka mid ah ciyaaraha sida kubbadda cagta, kolayga, miiska, dabaasha iyo kuwo kale oo badan,waaya joogii hore ayaa bogaadinaya holwaha dib u dhiska ee ka socda garoonka Stadium Muqdisho.

Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Horomarka Garoonka Stadium Muqdisho

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/452577882286466/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle