U bood dhigaalka

Da’yarta Midaynta Oo Bilaaway Tababarkoodii Ugu Horeeyay 

Sheeko:Cayaaraha

Da’yarta kooxda Midaynta ayaa bilaaway tababarkoodii kowaad waxaana dhallinyaradan gacanta ku haya ciyaartooydii hore Soomaaliya,iyagoo sheegay in ay ugu tala galeyn in ay ugu faa’ideeyaan waqtikooga si mustaqbalka ay u anfacaan Soomaaliya.

Ismaaciil Malaaq Senegal oo horay ugu tirsanaa Xulka Qaranka ayaa sheegay in dhallinyaradan ay lee yihiin hami wanagsan,taasina aya ku qasababtay in ay baraan casharada la xariira kubbadda cagta.

Qaar ka mid ah da’yarta Midaynta oo ina la hadlay ayaa iyagana inoo sheegay in ay rajo wanaagsan ka qabaan kooxdan,iyagoo loo balan qaadayn in ay tababar la siindoono todobaadkii labo jeer.

Yoolka loo hindisay da’yarta naadiga Midaynta ayaa ah in mustaqbalka ayaa guul u soo hooyaan kooxaha iyo Xulka Qaranka,waxaana macallimiinta gacanta ku haya mashruucan ay qabaan yidiiilo sare oo dhinaca guulah.

Howlaha kor u qaadida isboortiga ay bilaaweyn kooxda Midaynta waxaa soo dhaweeyay bahda ciyaaraha Soomalaiya,iyagoo ku dal daarmay in ay barnaamijyadan oo kale ay gaarsiiyaan guud ahaan gobolada.

Halkan Ka Aqriso Kooxda Midaynta Oo Isku Keenay Ciyaartooydii Hore Soomaaliya

https://wordpress-884379-3065991.cloudwaysapps.com/ciyaartooydii-hore-soomaaliya-oo-muqdisho-ka-aasay-aasay-koox-akdeemiyad-ah/

Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Da’yarta Midaynta Oo Bilaaway Tababarkoodii Kowaad

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/578348406218172/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle