U bood dhigaalka

Deegaanada Galmudug oo Maalintii koowaad Laga Ciidayo & Madax ka Qeyb Gashay

Sheeko:Dalka

Ayadoo maalinImadii shalay ay aheyd maalintii koowaad ee Ciidul Fitri oo laga ciiday inta badan caalamka islaamka iyo  gudaha dalka ayaa waxaa jiray deegaano aan laga Tukan Salaadda oo laga soomana maalimadii shalay, maanta ayaana looga dabaal dagayaa maalinta koowaad ee bisha Shawaal  waxaana  laga oogayaa Salaaddii Ciidda.

Deegaano ka tirsan dowlad goboleedka Galmudug ayaa Maanta waxaa siweyn looga ciidayaa Maalinta koowaad ee Ciidul fidriga,iyada oo shalay deegaanadaas laga soomanaa,halka inta badan Gobolada Soomaaliya iyo Caalamka laga ciidayay.

Deegaanada Galmudug ee Maanta lag ciidayo Maalinta Koowaad ayaa waxaa ka mid ah demooyinka, Dhuusamareeb, Guriceel, Cabudwaaq iyo tuulooyin kale,halkaas oo ay gacanta ku hayaan Maamulkii Gobolada Dhexe ee ahlusunna kuna biiray Maamulka Galmudug.

Madaxa Xakuumada Dowlad Goboleedka Galmudug  Maxamed Shaakir Cali Xassan ayaa Maanta Saalada Ciida kula tukaday Masjidka Madaxtooyadda Caasimadad Dhuusamareeb Dhamaan Madaxda sare ,Xildhibaanada, Saraakiisha Ciidamada, Shaqaalaha Dowlad Goboleedka Galmudug.

Maxamed  Shaakir ayaa Hambalyo ku aadan Ciidul Fidriga u Diray Dhamaan Ummadda Muslimiinta , Shacbiga Soomaaliyeed iyo Ummada Galmudug , uguna Duceeyay Nabad iyo Baraaro.

Goobjoog News