U bood dhigaalka

Deegaanada Puntland Oo Lagu Soo Rogay Bandow Habeenkii Ah

Sheeko:Amniga

Iyada oo magaalada Garoowe ee xarunta gobalka Nugaal ay kullan xasaasi ah ku qaaten madaxda ugu sareysa maamulka Puntland ayaa waxaa kullankaasi laga soo saaray awaamiir ay mid tahay in xilliga habeenkii ah la joojiyo isku socodka dadka iyo kan gaadiidka ee deegaanada Puntland.

Bandowgaan ayaa dhaqan galaya 1-da April waxa uuna bandowgu bilaabanaya 6-da maqribnimo ilaa 5-subaxnimo, iyada oo dhinaca kalane gadiidleyda yar yar amar lagu siiyay in aysan qaadi Karin wax ka badan 3 qof.

Sidoo kale waxaa la mamnuucay isku imaatinka bulshada goobaha xafladaha, maqaaxiyaha laga cunteeyo, kuwa Shaaxa laga cabo kuwaas inta badan bulshadu aad  u fariistaan  iyo goobaha dhalintu ku ciyaaraan kubadda cagta, iyada oo bandow lagu soo rogay deegaanada Puntland laga bilaabo 1-da April..

Dhinaca kale waxaa laamaha amniga la faray in ay si adag uga shaqeeyaan guud ahaan amaanka deegaanada puntland.

Waxaana ciidamada ilaalada xeebaha Puntland  lagu amray in ay ka howlgalaan in xeebaha ku teedsan Puntland aysan soo  gelin doomaha kaluumeysiga sharci darrada ah si looga hortago caabuqa COVID-19.

Wasaraada caafimaadka ayaa horay u shaacisay in magaalada Muqdisho laga helay saddex kiis oo xanuunka Coronavirus.

Goobjoog News