U bood dhigaalka

Deegaanka Baarey Oo Aan Laheyn Adeegyada Asaasiga Ah

Sheeko:Dalka

Tuulada Baarey ee hoostagta Magaalada Jowhar ee caasimadda Maamulka Hirshabelle waxaana degan ku dhowaad kun qof oo xoolo dhaqato ah .

Tuulada ayaa leh Ceel-biyood Iskuul Waxbarasho iyo Xarun Caafimaad oo aan cago fiican ku taagneyn .

Dhibaatada ugu badan ee ka jirta Tuulada ayaa ah markii uu roob da’o waxaana Xirmaya waddooyinka ay isticmaalaan dadka .

Cali Maxamed Nuux waa guddoomiyaha degmada Baarey ee gobolka Sh/dhexe waxaa uu Goobjoog News uga waramay xaaladda nololeed ee ka jirta Tuulada .

“Xaaladda Tuulada aad ayey u badantay waxay u baahantahay dhinacyada Iskuulka, Caafimaadka, Iskuul waa uu ku yaallaa balse waxaa uu u baahanyahy dib u dayactir weyn dhibaatooyin badan ayaan qabnaa oo xagga adeegga bulshada ah”.

Dadka ku dhaan deegaankan ayaa inta badan la kulma xaalado dhanka nolosha ah balse xilligan waxaa ay isku diyaarinayaan bulshada Baarey tacabka xilliga Deyrta.

Goobjoog News