U bood dhigaalka

Deegaanka Garasbaaley Oo Ku Lagu Dilay Nin Ka Tirsanaa Ergadii Doorashada

Sheeko:Amniga

Kooxda ku hubeysnaa Bastoolado ayaa  Ex-control Afgooye qeybta Garasbaaley waxa ay ku dileen nin ka tirsanaa Ergadii soo xushay Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Somaliya.

Dilalkan oo dhacay ayaa si gaar ah uga dhacay ka soo horjeedka xarunta Taliska Asluubta, halkaasi oo loo yaqaano xaafada Maslax.

Ninkan la dilay oo magaciisa lagu soo koobay Maxamed Gaabow ayaa ka mid ahaa Ergadii Xildhibaanada ku soo dooratay Magaalada Baydhabo oo uu ku shaqeeyo Maamulka Koonfur Galbeed.

Goobjoogayaal ayaa xaqiijiyay Kooxaha dilaka ayaa si nabad ahna meesha dilka ay ka gaysteen uga baxsadeen.

Goobtii uu dilka waxaa mar dambe waxaa soo gaaray ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Somaliya, kuwaasi oo sameyay hawlgalo aanan la sheegin cida ay ku soo qabteen.

Kooxaha dilaka qorsheysan ka qeysta ayaa kordhiyay weeradooda intii lagu guda jiray bisha Ramadaan ayadoo magalaada Muqdisho iyo duleedkeeda lagu dilay dhowr Erko.

Goobjoog News