U bood dhigaalka

Deegaanka Wisil Oo Laga Hirgeliyey Iskuulkii Ugu Horreeyay

Sheeko:Dalka

Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu daah- furayey goob waxbarasho oo laga hir-geliyey deegaanka Wisil ee gobolka Mudug.

Degaanka Wisil ee gobolka Mudug ayaa markii ugu horreysay waxaa laga hirgaliyey dugsi hoose dhexe iyo sare kaasi oo si bilaash ah ay wax uga baran doonaan bulshada ku dhaqan Wasil iyo deegaannada hoos yimaada.

Iskuulkaan ayaa waxaa hirgaliyey jaaliyadda ka soo jeeda deegaannada Mudug, waxaana xafladda xarig jarka ka qeyb galay maamulka deegaanka Wasil kormeeraha guud ee wasaaradda waxbarashada galmudug.

Cabdi Xuseen oo ka mida dadkii hirgaliyey Iskuulkaan waxbarasho ayaa ugu horreyn dadka deegaanka ku dhiira galiyey inay ka faa’ideystaan fursaddaan.

“Arrintaan Barnaamijka aan u bilownay hadal kuma soo koobi karno heerka aan ku bilownay iyo maanta meesha uu marayo ujeedadu waxaa waaye in gobolka iyo deegaankeenaba horumarino”.

Cali Xasan guddoomiyaha deegaanka Wisil ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan Iskuulka cusub ee laga hirgaliyey deegaanka.

“Aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay waxaa dhammaan mahad u celinayaa dadkii arrintaan ka soo shaqeeyay haddii ay yihiin dad banaankaa ama dad gobolka ka yimid”.

Kormeeraha guud ee wasaaradda waxbarashada maamulka Galmudug Cabdiraxmaan  ayaa waxaa uu ku tilmaamay furitaanka Iskuulkaani Fursad muhiim ah.

“Annaga waxaan u baahannahay hadaan nahay wasaaradda inay Iskuulada bataan waayo aqoonta inay badato dan ayaa noogu jirto waxaan geed dheer iyo mid gaaban u fuuleynaa oo baadiyaha u wareegeynaa inay Iskuulada bataan “.

Deegaanka Wisil ayaa in badan waxaa uu ahaa iskuul alahaan waxa uuna Iskuulkaani noqon doonaa mid daboolo baahiyaha waxbarasho ee bulshada ku dhaqan deegaankaan iyo kuwa hoos yimaada.

Goobjoog News