U bood dhigaalka

Deegaannada Gobolka Sh/Dhexe Oo Ay Ka Taagan tahay Biyo La’aan Daran

Sheeko:Dalka

Saameynta ka dhalatay biyala’aanta ka jirta Webiga Shabeelle oo dhexmaray qaybo ka mid ah gobolka Sh/dhexe ayaa ah mid hadda ay si weyn u dareemayaan bulshada ku dhaqan gobolkaas.

Deegaannada hoos yimaada magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/ dhexe ayaa waxaa ka taagan biyala’aan baahsan taas oo saameyn ku yeelatay dadka iyo duunyada ku dhaqan gobolka Sh/ dhexe.

Tuulooyinka laga soo sheegayo biyala’aanta waxaa ka mid ah tuulada Banaaney oo Khiyaastii 3 KM kaga beegan dhanka Koofur Bari magaalada Jowhar, taas oo dadka ku nool ay yihiin kuwo haatan aan haysan wax biyo ah.

Qaar ka mid ah bulshada ku dhaqan Tuuladan oo la hadlay Goobjoog News ayaa waxa ay sheegeen in haatan ay haysato biyala’aan baahsan waxa ayna yiraahdeen “Waxaa naheyso biyala’aan, biyaha waxaan ka doonannaa magaalada Jowhar jirgaankii biyo ah waxaa nala ka siiyaa lacag dhan toban kun oo Shilinka Soomaaliga ah”.

Qofka kale oo ka mid ah dadka deegaanka waxa uu yiri “ Hadda wax biyo ah ma haysanno, xataa beeraheenna wax aan ku falanno oo biyo ma jiraan webigii waa uu guray”.

Tuulada Banaaney kama jiro wax ceel biyood ah, kaas oo ay dadku ka isticmaalaan biyo nadiif ah dadkan ayaa biyaha ay cabbayaan waxa ay ka doontaan magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe.

Tuuladan ayaa waxaa ku nool dad gaaraya tiro ahaan ku dhawaad 620 qoys, waxaana dadkaas haysta biyala’aan.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada