U bood dhigaalka

Deegaannada K/galbeed Oo Laga Hirgelinayo Doorasho Qof Iyo Cod Ah

Sheeko:Dalka

Wasaaradda arrimaha gudaha maamulka K/galbeed ayaa sheegtay in dhowaan ay 5 degmo oo kamid ah deegaannada maamulkaasi ka arrimiyo ka hirgelin doonaan doorasho qof iyo cod ah.

Wasiirka wasaaraddaasi C/raxmaan Ibraahim Aadam ayaa sheegay in baarlamaanka maamulkaasi laga doonayo in uu meel mariyo in degmooyinka kala ah Baraawe, Baydhabo, Bardaale, Xudur iyo Ceelbarde  aan wasaaraddiisa u magacaabi karin maamul, shacabkana ay iyaga soo dooran doonaan cidda ay doonayaan.

Wuxuu tilmaamay wasiirka in markaan la joogo waqtigii shacabka fursad loo siin lahaa iney soo doortaan cidda ay rabaan, bedalkii cid aysan ku qanacsaneen loo soo magacaabi lahaa.

“Baarlamaanka K/galbeed waxaan ka sugeynaa iney meelmariyaan qorshaha aan degmooyinka Shanta ah loogu soo magacaabi doonin maamul, dadkuna iyaga un soo doortaan cidda ay rabaan, waxaan loo baahan yahay in shacabka fursad helaan oo ay keensadaan cidda ay u arkaan iney isla shaqeyn karaan ama wax u qaban karto” ayuu yiri wasiirka.

Haddii shacabka ku dhaqan degmooyinka aynu kor kusoo sheegnay ay si qof iyo cod ah ku doortaan cidda guddoomiye u noqoneysaa waxay noqon doontaa bilow iyo tijaabo loo qaaday dhanka doorashada guud ee dalka ee la filayo iney ku dhacdo 4 sano kadib qof iyo cod.

Goobjoog News