U bood dhigaalka

Deegaannada Puntland Oo Maanta Loo Diiday Inay u Gudbaan Gaadiid Ka Tagey Koonfurta Dalka

Sheeko:Dalka

Maamulka Puntland ayaa maanta sheegay in uu si toos ah u dhaqan galay go’aankii ay soo saareen maalmo kahor ee ahaa in Kowda bishan ay gaadiidka badeecadaha u gudbi Karin degaannada Puntland.

Afhayeenka maamulkaasi Cabdullaahi Maxamed Jaamac oo maanta warfidiyeenka la hadlay ayaa sheegay in maanta la dhaqan geliyay amarkii lagu xiray xuduudaha Puntland.

Waxa uu sheegay inaysan jirin gaaadiid Koonfurta Soomaaliya ka timid oo u gudbi kara Puntland iyo baabuur ka soo gudbi karta dhankooda oo  Koonfurta imaanaysa.

“Maamulka Puntland sida uu horay u mamnuucay baabuurta ka timaada Koonfurta lama ogala inay u gudbaan Puntland sidoo kalena baabuurta Puntland ka shaqeysa looma ogala inay ka gudbaan” ayuu yiri afhayeenka maamulkaasi.

Maanta ayaa Koontaroolka waqooyiga Gaalkacyo lagu celiyay baabuur ka badan 50 kuwaas oo sida badeecado kala duwan iyo xoolo u badan Ari.

Maamulka Puntland ayaa horay u sheegay in arrintani uu u cuskanayo falalka ammaan darro ee ku soo badanayay degaannada maamulkaasi ka arrimiyo.

Goobjoog News